Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga ka sii daysay 35 hablood oo ku eedaysnaa in ay qaateen calanka Soomaaliya 26kii June

Xukuumadda Somaliland ayaa saaka xabsiga ka sii daysay 35 hablood oo ku eedaysnaa in ay muujiyeen calanka buluugga ah ee astaanta u ah Soomaaliya 26kii June. Sidaa waxa goor dhawayd baahiyey weriye Khaalid Foodhaadhi.

Hablahan ayaa la qabtay 26kii June kadib markii ay qaateen kuna dabaal dageen calanka Soomaaliya iyaga oo jooga Boorama isla markaa ay iska qaadeen sawiro muuqaallana iska duubeen. Laga soo bilaabo muddadaas waxay ku xidhnaayeen xabsiga Gabiley oo ku habboon maxaabiista haweenka ah.

Siidaynta hablan ayaa sida muuqata waxa dedaal ka galay Daladda Isku Xidhka Haweenka Ee Nagaad, madax-dhaqameedka Awdal, badhasaabka iyo wasiirrada xukuumadda Awdal ee ka soo jeeda gobolka Awdal.

Xukuumadda Somaliland ayaa had iyo jeer xabsiga u taxaabta cid kasta oo lagu arko astaamaha Soomaaliya.