Xukuumadda Somaliland Oo Soo Bandhigtay Qorshe Lagaga Hor-tegayo Dhibaatada Gudniinka Fircooniga ah

Xukuumadda Somaliland Oo Markii Ugu Horreysay Soo Bandhigtay Qorshe Cusub Oo Lagaga Hor-tegayo Dhibaatada Gudniinka Fircooniga ah

“Wasaarad ahaan waxaaannu qabnaa hawshan oo muddo 40 sano ka badan laga soo hadlayay maalinba meel ay joogtoyba, in hadda la soo gaadhay xilligii xal waara loo heli lahaa…” Wasiirka Diinta iyo Awqaaft Somaliland

Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay soo bandhigtay Dariiqyo cusub oo ay sheegtay inay gacanta ku hayso oo lagu joojin karo Gudniinka Fircooniga ah, isla markaana ka duwan kuwii hore ee loo mari jiray Wacyigelinta Fircooniga.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo Khudbad dhinacyo badan ka jeediyey Munaasibad uu ka qaybgalay oo loo sameeyey Xuska maalinta Caalamiga ah ee Joojinta Gudniinka Fircooniga ah oo sannad kasta lixda bisha febraayo la qabto, balse Hargeysa lagu qabtay sagaalka febraayo oo Axadda ku beegnayd, waxa uu Wasiirku ku sheegay inay gacanta ku hayaan 1320 Maddarasadood, Macallimiinta Dhigta iyo 1470 Masaajid iyo Culimadooda, sidaa awgeedna waxa uu tilmaamay inay goobaha Waxbarashada Diiniga ah iyo Ta Maaddiga ah iyo goobaha Cibaadada ee Masaajiddada laga samayn karo Wacyigelinta ugu muhiimsan, si looga gudbo caqabadaha muddada dheer soo jirtay ee uu Fircoonigu ku hayo Haweenka Somaliland.

Wasiir Khaliil waxa uu ka warramay tallaabooyin wax lagaga qabanayo Dhibta Gudniinka Gabdha ee aan Shareecada Islaamka waafaqsanayn ee ay labadii sano ee u dambeeyey qaadday Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo Kaashanaysa dhinacyo kala duwan iyo faa’iidada ka dhalatay illaa hadda. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sharraxaya Xukunka Diiniga ah ee Cidda samaysa Fircooniga, Jidadka cusub ee ay doonayaan in wax lagaga qabto dhibaatadiisa, haddii wacyigelinta qorshaha Wasaaradda Diinta iyo awqaafta la waafajiyo, waxaanu Baaq u jeediyey Macallimiinta, Culimada iyo Warbaahinta.

Khudbad uu Wasiirku ka jeediyey Munaasibad lagu Xusayay Maalinta Gudniinka Fircooniga ah ayuu ku sheegay.

Inkasta oo Wacyigelinta Joojinta Gudniinka Fircooniga ah intii ay Somaliland Jirtayba Dalka Ka Socotay, haddana weli laguma guulaysan cidhib-tirkiisa. Hase-yeeshee, hadda waa markii ugu horreysay ee ay Xukuumadda Somaliland soo bandhigto qorshayaashan cusub ee ka duwan jidadkii hore ee loo mari jiray wax ka qabashada dhibaatooyinka Gudniinka Gabdhaha ee aan Shareecada Islaamka waafaqsanayn.

Warbaahinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

Jamhuuriyadda/Somaliland.