Xukuumadda Somaliland oo xadhiga ka jartay waddo dhererkeedu dhan yahay 5km oo isku xidhaysa magaalada Laascaanood iyo garoonka diyaaradaha ee magaaladaas

Masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wehelinayeen Maamulka Gobolka Gobolka Sool, Degmada Laascaanood, Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland iyo Hay’adda TISS-PLUS ee mashaariicda ka qaadata USAID, ayaa xadhigga ka jaray furitaanka waddo dhererkeedu dhan yahay 5km oo isku xidhaysa garoonka Diyaaradaha Laascaanood iyo magaalada Laascaanood.

Xaflad ballaadhan oo loo qabtay dhismaha waddadaas, waxa ka qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Sahal Maxamed Jaamac, Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Axmed Yuusuf Axmed, Badhasaabka Gobolka Sool Md. Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, Maayirka Laascaanood, saraakiil ka socday Hay’adda TISS-PLUS, madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kala duwan.
Xubno kala duwan oo isugu jiray wax-garad, madax-dhaqameed uu ka mid yahay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale, odayaasha degaanka iyo masuuliyiin kale oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay in dhismaha jidkani uu muhiim u yahay horumarka iyo isku socodka degaannada Gobolka Sool, waxayna ammaan u jeediyeen cidkasta oo ka qaybqaadatay dhismaha iyo maalgelinta jidka xadhiga laga jaray ee isku xidhaya Madaarka iyo Laascaanood.

Maayirka magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in waddada xadhiga laga jaray ay tahay mid soo jiidanaysa horumarka iyo isku-socodka degaannada Gobolka Sool iyo guud ahaanba bariga dalka Somaliland, waxaannu iftiimiyey inay Gole-degaan ahaan kaalin weyn ku lahaayeen diyaarinta qorshaha lagu dhisay waddadan, isla markaana ilaa intii la dhammaystirayey ay kala shaqaynayeen Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Hay’adda Waddooyinka Somaliland iyo Hay’adda TISS+.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Maareeyaha Guud ee Wakaalada Horumarinta Waddooyinka Somaliland Axmed Yuusuf Axmed oo sheegay inay wakaalad ahaan dhismaha jidkan kala shaqeeyeen Golaha Degaanka Laascaanood, waxaannu yidhi; “Waxa aan si gaar ah halkan uga hambalyeynayaa oo aan ugu mahadnaqayaa Hay’adda USAID iyo TISS+, Golaha Degaanka Laascaanood oo uu Maayirku ugu horeeyo oo runtii maanta inoo diyaariyey goobtan aynu xadhigga kaga jarayno waddada ah 5km ee isku xidhaysa magaalada iyo garoonka Garaad Ismaaciil ee Laascaanood, runtiina haddii aannu nahay Hay’adda Waddooyinka Somaliland, bilawgii ilaa dhammaadkii si wanaagsan ayaannu uga wada shaqaynaynay Maamulka Golaha Degaanka Laascaanood.”

Badhasaabka Gobolka Sool Md. Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo goobtaas hadal ka jeediyey, ayaa tilmaamay in dhammaystirka waddada xadhigga laga jaray ay muujinayso horumarka iyo nabadgelyada ka hirgashay Gobolka Sool, isagoo u mahadnaqay cidkasta oo gacan ka gaysatay dhismaha iyo dhammaystirka jidkaas muhiimka ah.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Sahal Maxamed Jaamac madasha hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in waddada isku xidhaysa Laascaanood iyo Garoonka Diyaaradaha ee Garaad Ismaaciil ay tahay mid loo baahnaa, isagoo xusay inay Wasaarad ahaan door weyn ku lahaayeen dhismaha jidkaas muhiimka ah, waxa kaloo uu ka hadlay waddooyin kale oo laga dhisayo degaannada Gobolka Sool iyo gudaha Laascaanood.

“Waddadaas aynu xadhigga ka jarnay waxa nooga horeeyey in aannu dayac-tirnay degmada Laascaanood laga soo bilaabo waddada Adhi-caddeeye, waddada Maraaga, waxa kaloo aannu dhagax-dhignay oo hadda la bilaabayaa waddo 30km ah oo ka baxaysa Xar-gaga, taasoo la bilaabayo ilaa inta lagu jiro bishan March 2020, waxa kaloo aannu la samayn doonaa bisha Afraad (April 2020) waddo laga taageerayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF oo ah gudaha magaalada Laascaanood,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.