Xukuumadda Somaliland oo xayiraad kusoo rogtay telefishanka Horn Cable xabsigana u taxaabtay wariyeyaal katirsan TV-gaas

Xukuumadda Somaliland ayaa waxay goordhawayd xayiraad kusoo rogtay telefishanka Horn Cable, sidoo kalena waxay xabsiga u taxaabtay laba wariye oo katirsan TV-gaas.

Labada wariye ee la xidhay ayaa kala ah Xasan Galaydh iyo Cabdiqaadir Coday, waxaana lasoo sheegayaa in lagu xidhay xarunta dambi baadhista ee magaalada hargaysa.

Maamuulka TV-gaas aayaa sheegay in xafiiska Danbi baadhista ee CID du ayaa codsaday in Xayiraad la saaro Horn Cable TV, bales aanay xayiradaasi soo gadhin. waxay dhanka kale shegeenin Tifatiraha Guud intaan lagu xidhin xafiiska Danbi baadhista ay Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalintu codstay in Xayiraad la saaro Horn Cable TV, iyadoo cabsi ka qabtay in gudbinta wararka iyo xaqiiqoyinka xoriyada Saxaafada ee dhacdooyinka malin laha ah.

Dhanka kale waxay maamulku sheegeen inay kasoo horjeedaan noockasta oo cabudhin ah, xadhig, handidaad , Xayiraad iyo wixii lamid ah, Xeerarka Saxaafada iyo Dastuurka JSl waxay damaanad qadayaan ilaalinta Xoriyatul Qawlka Warfidiyeenada iyo Xarumaha warbaahinta.

Xogtan waxa goordhawayd xaqiijiyay oo barta uu Facebook-ga ku leeyahay soo dhigay qoraal agaasimaha Horn Cable Maxamed Illig

Bandhige@gmail.com