Xukuumadda Somaliland waxay Dr: Bulxan ka hor istaagtay in uu Muqdisho tago

 

Xukuumadda Somaliland ayaa amartay Dr: Bulxan oo maanta u safri lahaa magaaladda Muqdsiho oo uu dhawaan shaaciyey in uu muxaadaro la xidhiidha qadiyadda Somaliland ka jeediyo in aanu tagi Karin.

Amarka Xukuumadda ayaa soo shaac baxay goor danbe oo xalay ahayd oo ay Xukuumaddu kulan kala yeelatay qorshaha safarkiisa, kaas oo lagu soo gunaanaday in aanu dalka ka bixi Karin.

Amarka Xukuumadda Somaliland ku baajisay safarkii Dr: Bulxan ayaa ka turjumaya sida ay Xukuumadda Somaliland uga goโ€™an tahay in aan sinaba muwaadiniinta Reer Somaliland u wiiqi Karin goโ€™aanka shacabka Reer Somaliland ku dhisteen qarankan Rubuc qarniga jiray.

Dr: Bulxan ayaa berri oo sabti ah ka jeedin lahaa magaaladda Muqdisho muxaadaro uu sheegay in uu aqoonyahanada Somalida kaga dhaadhicin doona Madax banaanida Somaliland, isagoo warkan hore uga sheegay kulan uu aqoonyahanada Somaliland ugu qabtay Hotel Maansoor.

Aqoonyahanada Somaliland intooda badan ayaa Habeenkaas Dr: Bulxan kula taliyey inaanu tagin Muqdisho, hase yeeshee waxa uu ku adkaystay goโ€™aan uu sheegay in uu goostay oo ahaa inaanu ka tanaasulayn ku talo-galkiisa.

Inkasta oo ay jireen xubno taageersanaa soo jeedintiisa, hadana markii ay warbaahinta Somaliland soo bandhigtay kulankaas waxa soo if-baxay aragtiyo kala duwan oo u badnaa halista ka soo gaadhi karta dhakhtarka Fikirkiisa iyo saamaynta ay arrintani ku yeelan karto dad badan oo qarsan jiray aaminsanaan ka fog aragtida Dr: Bulxan qabo ee ah in la soo qanciyo aqoonyahanada Somalida.

Dr: Bulxan iyo Aqoonyahano kale ayaa Dalka Turkiga kaga qayb galay shir loo qabtay aqoonyahanada labada Dal. Sidoo kale, waxa uu ka qayb galay mid ka mid ah laba shir uu uu Turkigu Ururada Bulshada Rayidka ah ee labada dal ugu qabtay dalka Kenya.

Wareega uu Dr: Bulxan ku doonayey in uu imika Muqdisho ku tago oo ahaa kii sadexaad ee qorshayaal Turkigu ku doonayey in uu isugu keeno aqoonyahanada Somaliland iyo Somaliya ayaa burburaya, maadaama Somaliland mawqif Diidmo ah ay ka qaadatay safarka Dr: Bulxan.

Illaa hada Xukuumadda Somaliland iyo Dr: Bulxan midkood-na umadda uma bandhigin waxa ka soo baxay kulankooda, hase yeeshee hakinta la hakiyey safarkiisii waxay ka turjumaysaa in ay Somaliland ka hor tagtay talaabo Turkigu doonayey in uu ku xod-xoto aqoonyahanada Somaliland ee uu Dr: Bulxan Hormoodka u yahay.

Xigasho: Waaheen Media

bandhige@gmail.com