Xukuumadda Somaliland waxay soo dhawaysay dhallinyaro tahriibay oo laga soo celiyey Liibiya

 

“nabarkan aad arkaysid iyo nabaro ka waaweyni waxay iga soo gaadheen Liibiya, Illaahay mahadii maanta haddii aan ka nabadqabo oo aan ku suganahay dhulkaygii hooyo.” Sidaasi waxa yidhi mid kamid ah dhalinyaro tiradoodu gaadhayso 50 oo shalay laga soo dejiyay madaarka Cigaal ee magaaladda Hargeysa, kadib Sanadao badan oo rafaad iyo dhibaatooyin badani ay ku haysatay guddaha dalka Liibiya iyo toobiyaha saxaraha haraadka badan ee loo sii maro dalkaasi.

Dhalinyarada shalay laga soo dejiyay madaarka Hargeysa ayaa isugu jiray kuwo u dhashay Somaliland iyo kuwo u dhashay Kililka 5aad ee dawlad deegaanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Murugada qaar kood aan maskaxdooda ka baxayn waxa kamid ah in saaxiibbadood ay hortooda ku nafbaxeen iyaga oo aan waxba u qaban karayn, waa kan mid kamid ah dhalinyaradan oo warbaahinta la wadaagaya dhacdooyin argagax geliyay oo uu kula kulmay intii xabsiga Liibiya ku jiray; “Waxyaabihii iigu naxdinta badnaa oo aan la kulmo intii aan dalkaasi ku xidhnaa, waxa kamid ah; ‘Anigoo xalay oo kale la casheeyay wiil aan saaxiibbo nahay, uu seexday, dabadeed markii uu waagu baryay aan soo toosay isagoo meyd ah’ oo aan kafan u raadiyo. Waxa kale oo iigu layaab badnaa, dad aan arkayo iyagoo nool, haddana saacado kadib dhimashadooda aan arkayo, waxa meesha ka dhacayay oo aan arkay dhimasho joogto ah.”

“Maanta ayan adduunka itii aan ku noolaa ugu farxad badanahay, habeen hurdo maan ladin, cuntana maalintii uu wiilkaygu tegay ayaa iigu dambeysay oo amateed maan ahayn, markaa maanta Janno ayaa kaa maqanba isma lihi.” Sidaasi waxa dareenkeeda ku muujisay hooyada dhashay Nasrudiin Aadan Abiib oo muddo sideed iyo toban bilood ku xidhnaa dalkaasi, oo madaarka Cigaal ee Hargeysa kula kulantay wiilkeeda.

Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in dhalinyaradan ay u diyaarisay qorshe noloshoodaa dib loogu habaynayo, “Mar haddaad Somaliland timaadeen, suuqa kala gala laydin odhan maayo, nolosha gacan baa laydinka siinayaa. Xukuumadda Somaliland gacan bay idinka siin doontaa sidii noloshiinu u hagaagi lahayd, hay’addaha caalamiguna gacan bay idinka siin doonaan, caawa (xalay) ayaana laydiin sheegi doonaa qorsha laydiinku talogalay.” Sidaasi waxa yidhi guddoomiyaha hay’adda barakacayaasha Somaliland Cabdikariim Xinif

Mr. Xinif waxa uu sheegay inay tahay markii ugu horreysay ee Somaliland ay soo gaadhaan tiro tahriibayaal oo intaa le’eg, waxaanu tilmaamay inay talaabadani kamid tahay balanqaadyadii xukuumadda Kulmiye ee dalka ka talisa u samaysay shacabka.

Waxa isna halkaasi hadalo kooban oo dardaaran u badan ka jeediyay guddoomiyaha xisbiga mucaariodka ah ee UCID En. Faysal Cali Waraabe oo kula taliyay dhalinyarada inay iska ilaaliyaan tahriibta, sidoo kale uga digaan inta kale ee damaca tahriibku ku jiro, wxaanu yidhi; “Idinka waxaan idinka codsanayaa inaydun noqotaan Tabliiqiyiin oo kuwa sii socda joojisaan, maantadanba inan aanu saaxiib nahay baa ii yimid oo naxsan oo yidhi Inantii baa iga tahriibtay, markaa waxaan jecelahay inaydun aad iyo aad dhalinyarta ula hadashaan oo uga digtaan.”

Xigasho: Hubaal Media.