Ciidanka Suuriya oo duqeyn ba’an u geystey suuqa magaalada Duuma ee ku taala duleedka Dimishiq

110 qof ayaa ku qudh-baxay 300 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii xukuumadda Suuriya duqayn daran ay u gaysatay magaalada Douma oo ku taal duleedka magaalo-madaxda Suuriya ee Dimishiq.

Magaaladan kaabiga ku haysa Dimishiq waxa in muddo ah gacanta ku hayey mucaaradka Suuriya.

Duqayntan uu Bashaar Al-Asad u gaystay gelinkii dambe ee Axadda waxa lagu tilaamay tii ugu xumayd in muddo ah waxana lala eegtay goob suuq oo aad u camiran goor ay dadku dukaamaysanayeen.

Kooxaha xuquuqda aadamaha u dooda ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ay aad kor ugu kici doonto maadaama dhaawaca qaar badan oo ka mid ah ay noloshoodu halis ku jirto.

Waa markii labaad ee isla todobaadkan ay ciidamada Bashaar Al-Asad beegsadaan magaaladan iyagoo duqayn cirka ah 27 qof ku dilay Arbacadii.

Gantaalahan samada laga soo ganay ayaa dhulka la simay daaro dhaadheer ee ku yaallay suuqa badhtankiisa waxana cirka sare isku shareeray qiiq sidii kubbadda isku duuduubay.

Hoos ka daawo muuqaal muujinaya baaxadda duqayntan lagu ekeeyey Douma.

Il-wareed: Aljazeera