Xukuumadda waxay daah-furtay Aqoonsi dhaq-dhaqaaqa u fududaynaya gaadiidleyda u kal gooshta Gobollada Dalka

 

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL,ย  Mudane: C/laahi Abokor Cismaan ayaa shalay magaalada Hargeisa si rasmi ah ugu daah-furay wajiga labaad ee Kaadhka dhaqdhaqaaqa Gaadiidka JSL Mashruuucan oo ayย  Wasaaradda Gaadiidka hore uga hirgalisey Gobolada maroodi-jeex iyo Saaxil ayaaย  ย ย tababar loo furay dhamaan isuduwayaasha gobolada dalka iyada oo wixii maanta ka danbeeya Kaadhkan casriga ah ee Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka JSL laga bixin doono dhamaan Gobolada JSL. Wasiirka ayaa hadalkiisa ku bilaabay โ€œMaanta aad baan ugu faraxsanahay in aynu isugu nimaadno kulankan ama tababarkan, runtii tababarkani laba ujeeddo ayuu xambaarsan yahay, ujeedada koowaad waa in la idinku tababaro system-kan technology-ga ah ee Wasaaraddu qaadatay, qodobka labaadna waa isbarasho maadaama oo aydun Wasaaradda ku cusub tihiin dhamaantiin, aad baan ugu faraxsanahay in aan idiin duro tababarkanโ€

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi โ€œ Laga bilaabo maanta marka aad tababarkan qaadataan wixii ka danbeeya Wasaaraddu waxa ay joojin doontaa in la isticmaalo buugii hore, waxa aynu isticmaali doonaa kaadhkaa oo inoo sahlaaya inaynu markiiba xogta ogaanoโ€ฆSidaa awgeed waxa aan idiin iclaaminayaa in aan buugii hore loo isticmaali doonin mid cusub duplicate iyo kala wareejin. Kaadhadhkaa ayaynu isticmaali doonaa, faaโ€™iidooyinka kaadhkani waxaa kamid ah marka aynu u baahano xog muddo ayay inagu qaadan jirtay laakiin imika waxa aydin ku qaadanaysaa wax ka yar sekan, inaad marka aad numberka galisaan heshaan xogta gaadhigaasi qofka leh , chessis number-kiisa, model-kiisaโ€

Sidoo kale waxa uu Wasiirku goobta uga mahadnaqay shirkadda GTS โ€œQodobka labaad ee an jecelahay maanta waxa weeyaan in aan u mahadnaqo shirkaddan GTS, runtii waxa ay inoo keentay innovation ama halabuur cusub ayay inoo keentayโ€

Sidoo kale waxa uu Wasiirku ku dheeraaday faaโ€™iidada kaadhka ee amni iyo sida uu systemkani dowladda ugu fududayn doono cashuur ururinta gaadiidka.

Waxa kale oo halkaasi hadal ka jeediyey CEO-ga Shirkadda GTS Khalid Sheekh Muxumed Sheekh Yusuf โ€œ Shirkadda GTS waa shirkad wadani ah isla markaana programs-ka ay samaysaa ka shaqeeyaan wadamo badi africa ku yaal, Shirkadda ahdaafteeda u mudan waxaa kamid ah soo bandhigida IT Solutions ka qaybqaadan kara kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dalkeena JSL.

Maamumuluhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhiโ€ Mashruucan Kaadhka Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka JSLย  ooh ore loogu guuleystay ka hirgalintiisa Gobolada Maroodi jeex iyo Saaxil ayaynu maantana u fadhinaa in aynu ku tababarno isuduweyaasha Wasaaradda Gaadiidka ee gobolada si looga bixiyo dhamaan gobolada dalka JSLโ€.

Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka oo isna hadal ka jeediyey kulankan ayaa yidhi โ€œ Kulankeenan waa hawshii koobaad ama seminar-kii koobaad ee shaqo qaran ah ee aad u timaadaan xarunta caasimada idinka oo tababar halkan la idinku siinayo sidii loo balaadhin lahaa Kaadhka Dhaqadhaqaaqa Gaadiidka dadweynaha oo ay Wasaaraddu ka hirgalinayso dhamaan gobolada dalkaโ€

Cali Daahir Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tijnoolajiyadda oo hadal ka jeediyey madasha ayaa wax uu yidhiโ€ Wasaaradda Gaadiidku ha cusboonaato balse iyadaa hogaaminaysa horumarka iyo innovation-ka maanta waa taa systemkii u horeeyay casriyeysay, system aan la casriyeyn 25 sanno ayay ku dhiiratay.

Ayaan Cabdicasiis Agaasimaha Waaxda Liisamada iyo Buugaagta oo hadal iyaduna halkaa ka soo jeedisay ayaa waxa hadaladeedii kamid ah โ€œShaqadani waxa ay ku koobnayd Hargeisa iyo Berbera balse waxa aan imika ku faraxsanahay in shaqadii iga kala fududaan doonto oo gobol walba dalka uu gaarkiisa u bixin doono kaadhkii dhaqdhaqaaqa gaadiidka.

Xigasho: Hubaal Media.

bandhige@gmail.com