Xukuumadda waxay mastaafurisay laba qod oo ka mid ah shaqaalaah Hay’adda DRC oo ku xad-gudbay diinta Islaamka

 

Xukuumadda Somaliland, ayaa dalkeeda ka mustaafurisay laba qof oo ka shaqaynayey hay’adda  DRC  ee dalka Denmark, kuwaas oo lagu eedeeyey inay ku xad-gudbeen diinta suuban ee Islaamka, isla-markaana si aan gabbasho lahayn wax ka sheegeeda ugu dhiirradeen.

Labada qof oo nin iyo gabadh kala ah, ayaa midkooda ninka ah magaciisa lagu sheegay David Selby oo dalka Maraykanka u dhashay, halka haweenayda oo dalka Ingiriiska kasoo jeeddana magaceeda lagu sheegay Nikola Naidu,  waxana labadaba lagu eedeeyey inay weerareen diinta Islaamka, sida uu saxaafadda u sheegay wasiirka qorshaynta qaranka Maxamed Ibraahim Qabo oo isagu xaqiijiyey caydhinta labadan shaqaale.

Wasiir Qabo, waxa uu sharraxay sida ay labada qof ee shaqaalaha ajaanibka ahi ugu gefeen diinta islaamka iyo ficilka dalka lagaga saaray ee ay ku dhaqaaqeen, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxa laga cabanayey laba qof oo shaqaale caalami ah oo kala ah nin la yidhaahdo David iyo gabadh la yidhaahdo Nikola Naidu, dhalasho ahaanna kasoo jeedda dalka Ingiriiska,  waxana haweenaydan la sheegay inay haddiday isaga oo salaad ku jira xilli ay kasoo degtay madaarka Hargeysa, ninkana waxa la sheegay inuu hadal aan wanaagsanayn sheegay xilli uu Aadaan salaadeed baxayey.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu caddeeyey inay xukuumad ahaan labadaas qof dalka ka mustaafuriyeen oo aanay xilligan joogin, isaga oo hay’addii ay u shaqaynayeen oo arrintaas aqbashayna u mahadnaqay, waxaanu yidhi mar uu arrintaa ka hadlayey:

“Markaanu arrintaas ogaanay waxanu go’aan ku qaadanay in waddanka laga mustaafuriyo, dalkana waanu ka saarnay, hay’adda DRC oo go’aankaas nala qaadatay, shaqadiina ka joojisay waanu  u mahad naqaynaa, labadaas qofna imika shaqadii kuma jiraan waddankana ma joogaan oo go’aan adag baanu ka qaadanay.”

Wasiir Maxamed Ibraahim Qabo waxa uu digniin adag u diray cidkasta oo ku dhiirrata inay diinta suuban ee Islaamka iyo dhaqankaba wax sheegto, waxana uu caddeeyey inay diyaar u yihiin inay dalka ka difaacaan oo ay dibadda u saaraan, waxana hadalladiisii kamid ahaa:

“Cidkasta oo shuruucda dalkayaga iyo distoorkayaga ka hor timaada iyo cidkasta oo diintayada suuban wax ka sheegta oo aanu u aragno inay ku gefayaan u oggolaan mayno inay waddankayaga joogaan, waana inay ixtiraam nagula shaqeeyaan.”

Muranka shaqaalahan la mustaafuriyey ayaa in muddo ah taagnaa, waxana dibadda usoo baxday oo bulshada qaybaheeda kala duwani dareemeen sida ay shakhsiyaadkaasi ugu dhiirradeen inay diinta Islaamka wax ka sheegaan iyaga oo dalka jooga, iyada oo qaar kamid ah shaqaalaha hay’addana dhawr jeer lagu handiday arrimo diintooda la xidhiidha.

Xigasho: Hubaal Media

bandhige@gmail.com