Xukuumadda Zimbabwe oo sharciyeysay isticmaalka lacagta Shiinaha

Xukuumadda Zimbabwe ayaa sharciyeysay in suuqyada Zimbabwe wax lagu kala iibsan karo lacagta Shiinaha, taas beddelkeedana uu Shiinuhu ka dhaafi doono dayn 40 Malyuun oo Doollar ah oo sannadkan bixinteedu taagnayd.

Lacagta Shiinaha ee “Yuan” loo yaqaan waxay noqonaysaa tii saddexaad ee ajaanib ah ee sharci ka noqota dalkaas iyada oo hore loo sharciyeeyey Doollarka Maraykanka iyo Rand-ka Koonfurka Afrika. Waxa iyadu meesha ka baxday lacagtii uu dalkani asal u lahaa kadib markii uu sixir-barar waalli ahi saameeyey 10 sanno oo reer-galbeedku ay cumo-qabatayn aan naxariis lahayn ku soo rogeen kadib markii madaxweynaha dalkaas lagu eedeeyey dhaqaale-burbur.

Dalka Zimbabwe ayaa la soo dega badi waxyaabaha ay u baahan yihiin haddii ay cunto noqoto iyo haddii ay qalab noqotaba. Shiinaha ahaa ah dalka ugu badan ee Zimbabwe waxa ka iibiya marka laga yimaaddo Koonfur Afrika oo ah dalka uu Zimbabwe ganacsiga ugu badani ka dhaxeeyo.

Nin aqoon u leh dhaqaalaha Zimbabwe oo magaciisa la yidhaa John Roberston ayaa sheegay in lacagta Shiinaha ee Yuan-ta isticmaalkeedu aanu waxba ku soo kordhinayn dhaqaalaha dalkan isla markaana aanay u badnayn in lacagtaasi ay muddo aad u badan ka sii shaqayn doonto dalkaas.

Dhawaan ayuu Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu booqday dalkaas isagoo dhiggiisa Zimbabwe Robert Mugabe la saxeextay 10 heshiis oo dhinaca dhaqaalaha ah oo ay ku jirto dayn xaddigeedu dhan yahay hal bilyan oo Dolllar oo lagu kocinayo warshadaha wax-soo-saarka ee dalkaas.

Bandhige@gmail.com