Xukuumaddu waxay hadal Cabdiraxmaan Cirro kasoo yeedhay sabab uga dhigtay qalalaasaha shalay ka dhacay Golaha Wakiilalda

 

Xildhibaanno ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Xukuumadda   ku eedeeyey inay qas iyo dhibaato ka dhex-waddo Golahaas, ka dib markii ay Ciidammo Boolis ahi la wareegeen Ammaanka iyo Gacan-ku-haynta Golahaas gelinkii hore ee shalay, ka dib markii ay isku dheceen Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax iyo Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore. Dhawaaqa Rasaaseed ayaa laga maqlay gudaha Golahaas, markii  sida Xildhibaannada qaar sheegeen in Baaskoolad uu sitay Xabbad ka riday Darawalka Saleebaan Xildhibaan Koore, halka ay qaarkoodna sheegeen in Xabbadda uu riday Askari ka tirsan ilaalada Baashe. Ismaan-dhaafka la sheegay inuu gacan-ka-hadalka dhex-maray Baashe iyo Koore sababay, ayaa ka dhashay khilaafka ka taagan natiijada doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Axaddii toddobaadkan Golahaasi u codeeyeen, kaasoo yimi ka dib markii Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle iyo Baashe Maxamed Faarax oo ku tartamay jagadaas ay kala heleen 39 Cod oo Shir-guddoonku Baashe ugu dhawaaqay iyo 38 Cod oo Shir-guddoonku Talyanle ugu dhawaaqay, balse Talyanle oo natiijadaa aqbalay ka dib, markii Xildhibaannada qaarkood iyo Shaqaalaha Golaha Wakiillada Xubno ka tirsani sheegeen in tirada laysu weydaariyey labada Musharrax uu shaaciyey in xilkaas isaga loo doortay.

Xukuumadda ayaa dhinaceeda ku eedaysay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani inuu qas ka dhex-wado Golaha Wakiillada, isla markaana aanay aqbali doonin in cidi Guddoomiye iska sheegato ee ay aqoonsan tahay Baashe Maxamed Faarax, halka ay Xildhibaannada u Codeeyey Talyanle iyo Talyanle-ba Dacwad musuqaas ay sheegeen ku saabsan u gudbiyeen Maxkamadda ku shaqada leh Dacwadaha Murannada Sharci.

Waxaanay Xukuumaddu Xabsiga dhigtay oo ay xidhay Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Darawalkiisii iyo Xubno kale oo aan Magacyadooda la shaacin, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo markii gacan-ka-hadalkaasi ka dhacay xarunta Baarlamaanka ka dib Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa uu sheegay inaanay jirin cid sharciga ka wayn ee wixii sharci ah loo hoggaansamayo, Goluhuna Guddoomiye doortay oo ay kaas aqoonsan yihiin, ciddii Cabasho ka qabtaana tahay inay Sharciga u maraan, ciddii dhib abuurtana ay gacan bir ah wax kaga qabanayaan, waxaanu yidhi:

“Dhawaan waxaa golaha laga doortay shirguddoon kadib markii  uu is bedelay guddoomiyihii goluhu, waxaa la dooranayay guddoomiye cusub, kaasi oo sidii uu xeer hoosaadka goluhu yahay qaab baa loo doortaa waxaanan uarkaynay in habkii lagu doortay uu ahaa qaab sax ah, oo markii doorashadaasi dhacday kadib lagu dhawaaqay natiijadii,la isku hambalyeeyey oo xildhibaankii laga helay uu hambalyeeyey kii ka helay oo ay isu hanneeyeen doorashadaas, laakiin hadalkii soo nqoday ee xisbiga WADDANI murashaxiisa kasoo noqday waxaanu u arkaynay in arrintaasi mid ku habboon aanu ahayn.

Wasiir Faratoon waxaanu inta aku daray:

“Haddii qofka sharraxan ay wax kaga jiraan  oo uu u arko inmuran la geliyey dee qaabab loo maro ayaa jirta wixii dareen ah ee aad qabtana loo maro. Murashaxii WADDANI ee laga helay waxaa jirtay in uu ku dhawaaqay in isagu uu guddoomiye yahay,  dalku sharci buu leeyahay goleyaashuna nidaam bay leeyihin, halkan (Somaliland] dalku laba madaxweyne ma yeelankaro, laba guddoomiye Baarlamaan iyo laba guddoomiye guurti midna ma yeelan karo, illaa immika sida aanu arkaynayna ee doorashadu u dhacdaynanin baala doortay, haddiise muranka jiro maaha in qaabkan hadda loo hadlayo aflegaado laisu mariyo warbaahinta ee qaab kale ayay leedahay. Xukuumad ahaan iyo xusbi ahaanba annagu waxaanu xisbiga WADDANI dhaqdhaqaaqiisa u aragnaa in dalka dhibaato u soo jiidayo taasna ka dul qaadan mayno haddii aanu wasaaradda amniga qaabilsan nahayna gacan bir ayaanu ku qabanaynaa.”

Mar la weydiiyey sida uu arko rasaastii golaha ka dhacday waxaa uu ku jawaabay:

“Taliyaha booliska ayaa ii soo sheegay runtiina arrin aan la yaabay ooaan ku argogaxay bay noqotay, waana qalad oo cidii gacan qaadkaas lahayd khalad  bay samaysay, qofkii golahaas rasaas ka riday ama mudane ha noqdo ama qof caadi ah ha noqdee qalad weyn buu ku jiraa”.

Xigasho: Hubaal Media

bandhige@gmail.com