Xulalka Gobollada Badhan iyo Buuhoodle oo guul darro la kulmay

Tartanka ciyaarraha Gobollada oo galay maalintiisii labaa ayaa guulo waaweyn la hoyday xulalka Gobollada Maroodi-jeex iyo Xaysimo.

Xulka waxa maanta ciyaar aad u xiiso badani ku dhex martay Boorama xulalka Gobollada Maroodi-jeex iyo Buuhoodle, waxaanay guusha raacday gobolka Maroodi-jeex oo ku badiyey 3 goolka, gobolka Buuhoodlena keensaday 2 gool.

Goolasha uu gobolka Maroodi-jeex ku badiyey ayaa laba ka mid ah dhaliyey kabtankooda lagu magacaabay Guji oo horena ka mid ahaa ciyaaryahanadii ugu cadcadaa tartarkii ciyaarraha Gobollada ee sannadkii hore.

Sidoo kale waxay ciyaari ku dhex martay Burco Gobollada Badhan iyo Xaysimo, waxaanay guushu ku raacay 2 gool iyo eber.

Ciyaarihii tan iyo shalay lagu ciyaarayey Burco iyo Borama ayaa waxa guul darooyinkoodii koowaad la kulmay Gobollada Hawd iyo Togdheer.

 

bandhige@gmail.com