Xulka Gabiley oo noqday kooxdii u horraysay ee ka soo gudubta is-reebreebka kadib markii ay Saaxil kaga badiyeen 4:1

Xulka gobolka Gabiley ayaa maanta xulka Saaxil ku jiidhay 4.1 ciyaar xiiso badan oo ku qabsoontay garoonka Xaaji Daahir Cilmi ee Boorama.

Guusha ay gobolka Gabiley ciyaartan ka gaadheen waxa ay u horseedday in ay noqdaan kooxdii koowaad ee ka soo gudubtay is-reebreebka ka socda Boorama iyo Burco.

Xulka Gabiley waxa ay barbareeyeen ciyaar hore oo isla tartankan ku dhex martay kooxda Salal, taas oo ku idlaatay 0:0

Ciyaaraha gobollada dalka ayaa xiisad iyo xamaasadba leh iyadoo si toos ah looga daawado telefishannada. Xiisahoodu wuxu kor u sii kici doonaa marka wareegga labaad la isla yimaad Hargeysa.

Bandhige@gmail.com