Xulkii kubadda cagta Ereteriya waxay iska dhiibeen Bootiswaana

Toban ciyaartoy oo ka mid ah ciyaartoy xulka kubadda cagta Ereteriya ayaa waxay iska dhiibeen dalka Botiswaana oo ay u yimaadeen isreeb-reebka ciyaaraha koobka adduunka.

Maxkamadda Botiswaana ayaa ku dhawaaqday in tobankan ciyaartoy ee ka tirsan xulka Eratariya loo ogolaaday in ay Botiswaana sii joogaan tan iyo inta ay maxkamaddu go’aan ka gaadhayso codsigooda magangalyo doonka ah.

Wasiirka Difaaca Botiswaana Shaw Kgathi ayaa ku adkeysanaya in la mastaafuriyo ciyaartoyga oo isreeb-reebka koobka adduunka u yimid Botiswaana.

Qaramada ayaa dhowaan warbixin ay soo saartay ayey ku eedaysay Ereteriya xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha iyo cadaadis badan oo saarto Eratariyaanka.

Dhegaysiga dacwada ciyaartoygan ayaa waxa la dhagaysan doonaa bisha Diisambar ee sannadkan.

bandhige@gmail.com