Xuska 18-ka May oo si weyn loogu diyaargaroobay, mar dhawna ka bilaabmaya gobollada oo dhan

Xuska sannad-guurada 24aad ee la-soo-noqoshada madaxbannaanidad Somaliland ayaa si weyn loogu diyaargaroowbay gobollada iyo degmooyinka Somaliland, walow diyaar-garowga sannadkani u muuqdo in uu ka yara hooseeyo kii sannadkii hore.

Dabaaldegyadu waxay dalka oo dhan mar kaliya ka bilaabmi doonaan wakhti ay hadda inaga xigto in ka yar saacad.

Suuqyada magaalada Hargeysa ayaa maalmihii u dambeeyey dadku waxay sidii ciidda oo kale uga dukaamaysanayeen dharka iyo agabska soo saara bilicda 18ka May sida calamo iyo astaanta qaranka.

Dugsiyada hoose ee gaarka loo leeyahay ayaa shalay carruurta dugsiyada ugu labisay calanka Somaliland si ay u sii muujyaan xuska 18-ka May maadaama maanta dugsiyadu fasax yihiin.

Madaxweynaha Somaliland sidii caadada ahayd wuxu ku xusi doonaa maanta caasimadda, halka Madaxweyne-Xigeenkuna uu Boorama kala qayb geli doono.

Wasiiradda iyo madaxda kale ee xukuumadda ayaa loo kala diray gobollada iyo degmooyinka ay ka soo kala jeedaan si ay dadka u abaabulaan niyad ahaana ugala qayb galaan dabaaldegga.

Halkan kala soco wixii hadba ka soo kordha xuska 18ka May.

bandhige@gmail.com