Xuutiyiinta Yemen waxay nolol ku qabteen askar Sucuudi ah

Xukuumadda Sucuudiga ayaa xaqiijisay in laba sarkaal oo ka tirsan ciidankeeda ay gacanta ku dhigeen Xuutiyiintu. Hase ahaatee mid ka mid ah saraakiishaas oo xalay ka soo muuqday telefishan Xuutiyiintu leeyihiin ayaa sheegay in tirada askarta ee nolosha ay ku qabteen Xuutiyiintu ay intaas ka badan tahay.

Sucuudigu wuxu sheegay in ay samaynayaan wax kasta oo karaankooda ah sidii ay askartaas u soo ceshan lahaayeen.

Dhinaca kale laba duqaynood oo cirka ay oo Sucuudigu gaystay ayaa burburiyey laba hudheel, khasaarena gaadhsiiyey guryo u dhawaa. Saraakiil Sucuudi ah ayaa sheegtay in yoolku haystay Xuutiyiin meesha ku dhuumanaysay laakiin af-ayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa sheegay in dadka meesha ku baabay ay rayid ahaayeen.

Xuutiyiintu waxay sheegeen in afartii maamood ee u dambeeyey oo kaliya ay weerarrada Sucuudigu dileen 236 qof oo rayid ah. Warar madax bannaan oo arrintan xaqiijinaya wali lama hayo.

Dagaalka huwanta Sucuudigu ay ku hayaan Yemen oo u badan duqayn cirka ah waxa naftoodii ku waaya ku dhawaad 5000 oo qof sida ay Qaramada Midoobay diwaangelisay. Kala-badh in ku dhaw tirada dhimatay waxa la sheegay in ay yihiin dad rayid ah oo aan dagaalka lug ku lahayn.

Sucuudiga ayaa ku guulaystay in uu meelaha qaar ka saaro Xuutiyiinta, awooddoodiina hoos u dhigo. Laakiin dagaalka ayaa u muuqda mid aan beryahan dhammaanayn.

Bandhige@gmail.com