Xuutiyiinta Yemen waxay sii daayeen la-haysteyaal ajaanib ah

Saddex Sucuudi ah, laba Maraykan ah iyo mid Ingiriis oo lai-haysteyaal ahaa ayaa la sii daayey kadib markii waanwaan ay sameeyeen xukuumadda Cumaan iyo Qaramada Midoobay lagu guulaystay.

Sii dayntani waxay saadaal wanaagsan u tahay wada-hadalka ay bilaabi doonaan Xuutiyiinta iyo Wakiilka Qaramada Midoobay dhawaan.

La-haysteyaashan ajaanibka ahi waxay gacanta Xuutiyiinta ku jireen lixdii bilood ee ugu dambaysay oo ka soo bilaabmaysa markii dagaalka Xuutiyiinta ka dhanka ahi dalkaas ka bilaabmay. Waxa lagu eedeeyey in ay dalka ku soo galeen sharci-darro.

Maraykanka oo soo saara war-murtiyeed ayaa sheegay in soo daynta muwaadiniitiisa uu kala shaqeeyey Suldaan Qaabuuska Cumaan.

Xukuumadda Ingiriiska ayaa iyaduna sheegtay in muwaadinkoodii la sii daayey uu gaadhay magaalo-madaxda Cummaan ee Muscat isaga oo bedqaba.

Dagaalka u dhexeeya Xuutiyiinta iyo huwanta Sucuudigu hoggaaminayaa wuxu ka qarxay Yemen bishii March. Sida ay Qaramada Midoobay diwaangelisay waxa naftoodii ku waayey 4500 oo qof.

Bandhige@gmail.com