Yaman: weearar qarax oo dad lagu dilay salaaddii ciidda

Shan qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen weer lagu qaaday masjid ku yaal magaalada Sanca ee dalka Yaman.

Qaraxan xoogan ayaa burburiyey masaajidka Balili oo ay maamulaan kooxda Xuutiyiinta shiicada ahi, sida uu sheegay goob jooga qof qaraxa fuliyey ayaa isku qarxiyey albaabka masaajidka, ka dib dadkii ayaa cararay. .

Weerarka ayaa dhacay intii la tukanayay salaadda ciidda. Waxaa kaloo jiray dhowr qarax oo kale oo ay kooxda dowladda Islaamku ka geysteen Sanca, kuwaasi oo Shiicada u arkaan kuwo khilaafsan diinta Islaamka.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa maamula dhowr gobolka oo Yaman ah, waxayna caasimadda qabsadeen sanad ka hor.

Dhinaca waxa waddanka Yaman kusoo laabtay madaxweynihii hore ee ay kooxda Xuutiyiintu waddanka ka saareen.

bandhige@gmail.com