Yemen: Maraykanku waxa uu weeraray xarumaha Xuutiyiintu gacanta ku hayaan

Milateriga Maraykanka ayaa maanta sheegay in ay weerareen saddex xarumood oo ay yaalleen qalabka raadaar oo ku yaalla guddaha dalka Yemen, iyaga oo ka jawaab celinaya weerar gantaallo ah oo dhawaan laga soo riday dhulka Xuutiyiintu maamulaan, gantaalladaas oo ku jihaysnaa markab dagaal oo Maraykanku leeyahay.

War ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa lagu sheegay in markab dagaal oo Maraykanku leeyahay oo taagan badda cas uu gantaalladaas la beegsaday goobahan ay yaalleen raadaaradu.

bandhige@gmail.com