Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Oo Hadhimo Sharafeed u Sameeyey Madaxda Dhaqanka Ee Bariga Gobolka sanaag

Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL  Oo Hadhimo Sharafeed u Sameeyey Madaxda Dhaqanka Ee Bariga Gobolka sanaag.

Hargaysa Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL  Maxamed Kaahin Axmed  ayaa maanta Hadhimo sharafeed ku maamuusay  Odoyaasha dhaqanka ee Barriga Sanaag.

Odayaasha Dhaqanka  oo Hargaysa U Yimi Martiqaad ay ka heleen Madaxweynaha Qaranka Somaliland  oo Todobaadkanba  Ku Sugnaa Caasimada hargaysa  ayaa Maanta  Waxaa Hadhimo sharafeed  Hotel Maansoor ugu Sameeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland  Mudane Maxamed Kaahin Axmed. 

Hadhimo sharafeedkan  ayaa ka sokow odoyaasha dhaqanka ee bariga sanaag waxaa kasoo qayb galay  wasiiro hore  xildhibaano iyo marti sharaf kale .

Waxaana halkaasi hadalo soo dhaweyn ah kasoo jeediyey wasiirka arrimaha Gudaha , ex wasiir cali warancade, ex wasiir Cadimi iyo sulaadiin si diiran usoo dhaweeyey madax dhaqameedka.

Dhinaca  kale waxaa odoyaasha dhaqanka ee Beriga Sanaag u Hadhay laba oday oo ka mahad naqay qadada uu ku sharfay wasiirka arrimaha Gudaha JSL.