Xannuunka Autism-ka iyo Bulshada Somalida ee ku dhaqan Wadamada reer Galbeedka Q.2aad ( WQ: Dr. Abdikarim D Hassan)

Qaybta labaad ee maqaalkan eaynu kaga hadlayno xannuunta Autism-ka iyo caruurta somaalida ee wadamada reer galbeedka waxaan ku eegayaa Cilmi-baadhista saddexaad ee aan halkan kusoo qaadan doono oo ah midd lagu sameeyay Magaalada Bristol ee UK.

Cilmi-baadhistan waxa gadh-wadeen u ah cilmi-baadhe Somali ah oo layidhaa Amal M Hussein waxaana kala qayb-qaatay laba aqoonyahan kale (Elizebeth Pellicano iyo Laura Crane), Amal iyo Laura waxay ka tirsan yihiin University college, London, halka Elizebeth ay ka tirsan tahay Macquarie University, Australia.  Research article-ka waxa sanadkii 2018 lagu daabacay SAGE Journal (https://doi.org/10.1177%2F1362361318813996 ).

Cilmi baadhistani sida kuwaa hore waa “Qualitative research” nooca cilmi baadhisaha ee baadha dabeecada bani’aadamka, dhaqankooda iyo hab fikirkooda, waxaanay daraasadaysay waalidiinta caruurta Autism ka qaba.

Waxa la yaab leh in natiijada cilmi-baadhistan soo saartay ay aad ugu dhowdahay natiijada kasoo baxday cilmi-baadhista lagu sameeyaya Canada ee aan kusoo eegnay qaybtii hore ee maqaalkan.

Aragtida Somalida ingiriiskuna ay lamid tahay taas ay qabaan Somalida Canada iyo Maraykan. Waalidiinta caruurta autism-ka qaba ee Bristol waxay xaalada caruurtooda sabab uga dhigeen; deegaanka, Dhaqaale la’aanta, faquuqida dhaqan-diimeed, tallaalka, cuntada, iyo daawooyinka. Intaas oo laysku daray ayaa sabab u ah Autism- ka ayay aaminsan yihiin.

Waxay si adag uga soo horjeedaan in xaaladani tahay mid Hidde-sidayaashooda la xidhidha. taas oo ay u arkaan in la rabo in si gaar ah loogu shaan badeeyo in ay xannuunkan hidde-uleeyihiin,iyadoo laga howl yaraysanaayo in jawaab loo raadiyo su’aalaha ay qabaan.

Sidoo kale Xidhiidhka Somalida iyo hay’adaha caafimadu ma fiicnaha waxaana hadheeyay shaki ay somalidu ka qabaan niyad samaanta hay’adahan marka la eego duruufahooda caafimaad.

Qaladaadka ay sameeyaan Hay’adaha caafimadku way badan yihiin marka ay la dhaqmayaan bulshada Somaalida, gaar ahaan dadka Autisma-ka qaba iyo qoysaskooda. Marka la dejinaayo siyaasada caafimaad ee hab-dhaqanka Autism-ka lama dhegayso aragtida Bulshada somaalida, iyadoo xeerku dhigaayo in “hadii ay jiraan bulshooyin ay si gaar ah u saameeyaan xannuunada Qaarkood in aragtidooda la tixgeliyo marka ‘guidelines’ loo dejinaayo xannuunkaas”.

Hay’adaha caafimaadka iskuma howlaan in ay fududeeyaan in caruurta Somalida, oo ah bulsho la gooni-yeeyay, in ay fursan u helaan adeega ay xaqa u leeyihin.  Waxa intaas sii dheer in Hay’adaha daryeelka caruurtu “social service” in ay culays dheeraad ah saaraan qoysaska Somalida oo ay u raadiyaan marmarsiinyo ay kaga wareejiyaan mas’uuliyada caruurtooda, taasi oo inta badan aan fursad loosiin walidku in uu is daafaco.

Dhinaca kale bulshada Soomaalidu si fudud uma aqbalaan xannuunka Autism-ka, waxaanay waalidiinta iyo caruurtuba la kulmaan faquuq iyo takoorid bulshadooda dhexdeeda ah ” Prejudice and discrimination”. Waxay waalidiintu cadeeyeen in aanay faham dhab ah ka haysan waxa Autism-ku yahay, waayo xannuunkani magac kuma laha Afka somaliga, lagumana arki jirin wadankayagii.

Waalidiin badan ayaa qarin jiray caroortooda Autismka qaba iyagoo ka baqaaya ceebayn iyo canbaarow ” shame and embarrassment”. qaar kale ayaa si dadban ama si toos ah iyagu isugu canaanta xaalada caruurtooda ” personal guilty”.

Ugu danbayn Autism-ku waa xaalad caafimaad oo aan lasii saadaalin karin ilmaha ay ku dhici doonto, ilaa hadana aanla hayn dawo boqsiin karta. Xaaladani dadka somalida ee wadama reer galbeedka ku nool way ku badan tahay marka loo eego bulshooyinka kale ee dhawaan soo degan sida somalida.

Si jawaab loogu helo sababta waxaa loo baahan yahay in la sameeyo baadhitaan koobsanaya Somalia iyo wadama reer galbeedka labadaba. inta ka horaysa waa in kor loo qaado ku baraarug sanaanta xanuunkan iyo in si furan looga hadlo dhibka jira ee dadka somalida ah haysta.