Aan Aabahay U Soo Sheego In Uu Dhagaxu Qiimahaas Joogo! (Qiso dhex martay Wiil iyo Aabihii)

Sida qisadan koobani ay tilmaamayso, awlaadda caqliga badani waalidiintooda iyo bareyaashooda dugsiga waxa ay waydiiyaan suโ€™aallo waawayn oo u baahan in laga fiirsado ka jawaabistooda. Aqoontu waa waydiin, raadin iyo jawaab, haddaba marka waydiintu ay tahay mid ilmaha ka soo goโ€™day, jawaabtu waa in ay laba siyood mid uun ku timaado: in la tuso, lana taabsiiyo ama in la hago oo uu isagu jawaabta raadiyo, si xogta uu soo helo loogu sii kaabo xog kale; wax badana loogu iftiimiyo sida ka muuqata qisadan soo socota. Waxbarista hagitaanku ilmaha waxay ka caawisaa in uu barto dabeecadaha bulshada uu la nool yahay isaga oo kaashanaya tilmaamo waalidkiisa ama macalinkiisu uu siiyay sida ku cad qisadan soo socota.

Wiil yar ayaa aabihii weydiiyey, โ€œAabbo waa maxay qiimahayga noloshu?โ€ Aabihii wiilka dhalay oo ahaa nin aad u xikmad badan ayaa isla markiiba wiilkiisii wuxuu u dhiibay dhagax macdan ah; waxana uu ku yidhi, โ€œsuuqa tag oo haddii lagu baayaco ha hadlin ee taag laba faroodโ€. Wiilkii isaga oo dhagaxii sita wuxuu aaday suuqa, dhagaxii waxa ka heshay haweenay suuqa joogtay oo wiilkii ku tidhi, โ€œiga iibiโ€, hase yeeshee sidii waalidkii farayโ€”wiilkii laba farood ayuu taagay, markaasay haweenaydii tidhi, โ€œma laba doolarbaa qiimihiisu, iga iibiโ€, wiilkiina wuxuu ugu jawaabay aan aabahay u soo sheego in uu dhagaxu qiimahaas joogo! Aabihii ayuu arrintii u sheegay, intaas kadib aabihii wuxuu yidhi, โ€œaabbo dhaqaaq oo tag xarunta dhaqanka oo haddii dhagaxa qiimihiisa lagu weydiiyo ha hadlin ee laba farood uun taag. Wiilkii xaruntii dhaqanka ayuu tegay, dhagaxii waxa ka helay nin xarunta joogay oo wiilkii ku yidhi, โ€œiga iibiโ€, hase yeeshee sidii waalidkii farayโ€”wiilkii laba farood ayuu taagay, intaas kadib buu ninkii yidhi, โ€œma laba boqol oo doolarbaa qiimihiisu, iga iibiโ€, wiilkiina wuxuu ugu jawaabay aan aabahay u soo sheego in uu dhagaxu qiimahaas joogo! Wiilkii arrintii wuxuu u sheegay aabihiiโ€”aabihii wuxuu ku yidhi, โ€œaabo orod oo waxaad tagtaa dukaanka iibiya macdanaha qaaliga ah oo haddii dhagaxa qiimihiisa lagu weydiiyo ha hadlin ee laba farood uun taag. Wiilkii wuxuu tegay dukaankii macdanaha; dhagaxiina waxa ka helay oo aad ula dhacay ninkii dukaanka iska lahaa oo wiilkii ku yidhi, โ€œxageed ka keentay dhagaxan qaaliga ah, iga iibiโ€, hase yeeshee sidii waalidkii farayโ€”wiilkii laba farood ayuu taagay, intaas kadib ninkii dukaanku wiilkii waxa uu ku yidhi, โ€œma laba boqol oo kun oo doolarbaa qiimihiisu, iga iibiโ€, wiilkii ayaa farxad iskala garan waayey oo damcay in uu lacagta qaato, hase yeeshee waxa uu xasuustay dardaarankii aabbihii; uguna jawaabay ninkii, aan aabahay u soo sheego in uu dhagaxu qiimahaas joogo! Wiilkii yaraa oo aad u faraxsan ayaa aabihii u yimid, arrintii ayuu u sheegay, hase ahaatee aabihii wiilka dhalay oo u muuqday mid gaadhay gebagebadii ujeedkiisa ayaa wiilkiisii ku yidhi, โ€œAabo inankaygiiyow hadda ma garawsatay qiimahaaga nolosha?

Markii ugu horeysay waxaad u tagtay dad (caamo) qiimahaaga nolosha aan garanayn oo u arkayey in uu la qiime yahay laba doolar oo keliya. Markii xigtayna waxaad u tagtay dad (xaasidiin) qiimahaaga nolosha garanaya oo u arkayey in uu la qiime yahay laba boqol oo doolar. Mar saddexaadkiina aabbo waxaad u tagtay dad (hagarlaawayaal) qiimahaaga nolosha garanaya oo u arkayay in uu la qiime yahay laba boqol oo kun oo doolar.

Wiilkaygiiyaw qiimaha noloshaadu kuma xidhna midabkaaga, haybtaada iyo degaanka aad ka soo jeedo, Aabbo noloshaadu waxay ku qiimaysan tahay hadba dadka kugu xeerani sida ay u arkaan hankaaga iyo hibada gudahaaga ku jirta. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, โ€œLax waliba shilalkay is dhigto ayaa lagu qalaaโ€ oo macnaheedu yahay qof walba waxa lagu qiimeeyaa, hadba hankiisu inta uu leโ€™eg yahay iyo hibada uu alle siiyay.ย  Yaad saaxiib dhaba ka dhigan lahayd? Yaad se la tashan lahayd? Waalidkaa saaxiib ka dhigo oo isaga la tasho. Haddii laga tegiwaayo waxa saaxiib laga dhigtaa qof iiman qaba oo kula jecel waxa uu naftiisa la jecel yahay, waayo Nebigeenu wuxuu yidhi (c.s.w), โ€œMidkiinna iimaan dhab ah lagama helin ilaa uu walaalkii la jeclaado waxa uu naftiisa la jecel yahayโ€. Ugu dambayn, aabihii wuxuu yidhi, โ€œwiilkaygiiyaw cid walba lalama tashadoโ€”dadkeeni hore ayaa odhan jiray: marka aad tallo u baahato waxa lala tashadaa qof aan kaa dooneyn Hanti; Hagarna aan kaa gelayn.โ€

Qore: Maxamed C/kariim Axmed (Shiil)

Bandhige@gmail.com