Boqoraddii Shirqoolka Badnayd!

Waxay ku dhalatay Boqoradda Hurrem magaalo ku taalla galbeedka dalka Ukrain sanadkii 1500 , Ciidamadii Tartaarka ayaa magaaladii ay deganayda soo weeraray ka dibna way soo qafasheen waxayna jaariyad ahaan uga iibiyeen boqorkii Cusmaaniyiinta Boqor Sulaymaan Qanuuni. Waxay ka mid ahayd hablihii u shaqynayay boqorka, iyadoo markii danbe si gaar ah iyadu ugu shaqayn jirtay Magaceedu waxa la odhan jiray Iskadar waxaana ka bedelay oo u bixiyay Hurrem boqor Sulaymaan. markii danbe waxa guursaday boqorka oo ay u dhashay 6 caruur ah, waxayna noqotay boqorada.

Inkasta oo eedo badan loo soo jeediyo oo ah inay ka danbaysay dilal xididka boqorka haddana waxay noqotay jaariyadii keliya ee noqotay boqorad madaama u si shraci ah u guursaday Boqor Sulaymaan oo Cusymaaniyiinta xukumayay. Waxaana la odhn jiray jaariyaddi Ruushka ahayd ee uu jeclaaday boqroka Sulaymaan. Waxaa kale oo loo yaqaana kariimi iyo Umu Muxamed.

Waxaya dhistay masaajido badan iyo Isbitaal dumarka gaar ah oo ku yaalla Istanbul, madaaris, iyo laba xarumood oo raashinka lagu diyaarin jiray oo ku yaalay Maka iyo Qudus. Waxay dhimatay sandakii 1558. .( Source : Almrsal.Com).

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com