Dadka Madaxa Weyn Iyo Giriiggii Hore!

Giriigii hore marka ay fariimaha diriyaan waxay isticmaali jireen hab aad u yaab badan. Waxa magaalada laga doorran jiray qof madax weyn , ka dibna waxa laga xiiri jiray timaha, marka madaxiisu uu noqdo mid aan timo lahayn ayaa la maydhi jiray intaasi ka dibna waxa lagu qori jiray fariimaha loo dhiibayo,.

Marka fariinta lagu qoro ayaa loo diri jiray halkii la doonayay inuu gaadhsiiyo. Habkaasi waxa loo isticmaalay iyadoon wakhtigaasi aanay jirin waraaqo qoraal lagu sameeyo, jawaabta ayaa iyana sidan oo kale loogu soo dhiibi jiray iyagoo dhinaca kale ka maydhayay madaxiisa qoraalkii hore ee ay akhriyeen ka dibna ku qoraya kan jawaabta ah.

 

Xigasho:wergeyska dawan

Bandhige@gmail.com