Damaca Iyo Natiijadiisa Khariban!

Gabadh ayaa u sheegtay nin kale oo ay goob shaqo isku barteen, in ninkeedii uu ka baxsaday muddo badan ka maqnaa, isla markaana ay doonayso inay iska furto. Waxaana ay u balan qaaday inay siin doonto $ 20 , hadii uu maxkamadda u raaco oo iska dhigo ninkeedii oo furaya si ay u hesho warqadeedii. Aad ayuu ugu farxay balanqaadkeeda waana uu ka ogolaaday.

Subaxii ayay maxkamada tegeen markii ay garteedii akhrisatay ayaa xaakinkii weydiiyay “Waar Xaaskaagii ma tahay? Waxaana uu ku jawaabay haa. Xaakin waa iyadii. Xakiinka ayaa haddana ku yidhi: “ Cabashadan ah in aanad biil siin soo run maaha ? Waxaan uu ku jawaabay “haa, laakiin imika ayaan furayaa oo warqadeedii siinaya”.

Xaakinka ayaa ka dib go’aakan soo saaray: “ Fur , warqadeedii sii, isla markaaan waxaad siin doonta oo aanu kugu xukunay $ 1000”. Ninkii ayaa aad u yaabay lacagtan lagu xukumay, waxaana u garan waayay waxa uu yeeli doono.

Markii ay gabadhii isa soo raaceen ayay ku tidhi: “ Waxaad yeelaysaa isii $ 980, ee 1000 maxkamadu iigu kaa xukuntay, marka aad ka goosato labaatankii aan kuugu balan qaaday “. Ninkii oo yaaban ayaa yidhi oo anigu miyaan ku qabay , soo waxaan aan sheegayay been ma ahayn. Waxaana ay ku jawaabtay “ isk dhaaf bixi lacagta bixi ama maxkamadda aan ku noqdo halagu xidhee”. Tani waa cidhibta beenta aad u sheegto adigoo damac xun oo adduunyo raadis ahi ku hayo.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com