Geeridiisa Ayaa Ka Horaysay Guushiisa!

Orodyahanka Thomas Stanely ayaa dhintay ka dib markii uu ku dhacay hilaac danab la socday. Orod yahanka ayaa wakhtigaasi ku jiray dhamaadka tartankii 50 km, ahaa ee lagu qabtay koonfurta bari ee Kansas dalka Maraykanka maalintii 30 bisha September.

Orodyahanka oo 33 jir ahaa waxa uu ahaa aabe saddex caruur ah dhalay, waxaana hilaacu ku dhacay markii uu u jiray wax ka yar rubuc mayl diilinta dhamaadka orodoka marathonka oo uu ku guulaysan lahaa.

Saaxiibadii iyo kooxihii tartanka hagayay iyo dhakhaatiirta degdega ah ayaa isku deyay inay badbaadiyaan laakiin taasi waxba kama tarin badbaadintiisa.

Orodyahankan guusha isagoo u dhow dhintay ayaa loo ururiyay qoyskiisa lacag deeq ah oo dhan 45 kun doller.

Xaaskiisa ayaa la gudoonsiiyay biladda guusha tartanka maadaama uu diilinta kama dambaysta ku dhowaa oo uu gaadhi lahaa wax yar ka dib iyadoon tartamayaasha kale soo gaadhin. Xaaskiisa aya sheegtay in maalintaasi ay jirtay duufaan xoogan, laakiinse aan si fiican looga taxadarin.

Waxa kale oo ay xaaskiisa Robinsen tidhi : ” waxa jirta in halkii milayan ee qof mid uu danabka hilaaca u dhiman karo, waxay carrabka ku adkaysay in qofkii halka milyan ku jiray uu ninkeeda noqday”.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com