Qancinta Dadka Ka Soo Horjeeda!

Saynisyahankii Jarmalka u dhashay Albert Einstein waxa uu ahaa asaasihii qaybo muhiim ah oo cilmiga Fiisigiska casriga ah ka mid ah. Waxaana aqoontaasi iyo dadaalkaasi lagu siiyay abaal marinta caalmiga ah ee Noble Prize qaybta cilmiga.

Mudadii uu baadhista cilmiga sayniska ku jiray waxa uu dhibaato kala kulmay dad badan oo ka soo horjeeday dadaalkiisa baadhista kuwasi oo uu arkayay, inuu isku hawlayo waxa aan suurtagal ahayn. Saynis yahankani waxa uu dadka ku soo jiitay iskuna jeclaysiiyay inuu maray jidka ugu muhiimsan qancinta qofka kaa soo horjeda.

Sidaa awgeed waxa uu leeyahay weedho dhiiringelin iyo fahamka nolosha isugu jira waxaana ka mid yihiin:

โ€œKoritaanka maskaxda aadamigu waxay la bilaabantaa dhalashadiisa, mana joogsato ilaa inta uu ka dhimanayoโ€. Waxaana uu ujeeda in qofku wakhti kasta u baahan yahay cilmi iyo aqoon si maskaxdiisu u korto. โ€œWaa arin xun in dadka oo dhami ay wanaag sameeyaan iyagoo ka cabsi qab in la ciqaabo ama doonaya in la siiyo abaal marinโ€. โ€œKa fogow dadka fikirka xun waxa ay ka dhex arkayaan mushkulad xal kasta oo loo baahnaโ€

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com