Waxaa haamaha Gaastadda cuntadda Lagu Karsado Qiime dhimista Loogu Sameeyay si loo bad-baadiyo dhirta Dhuxusha laga shido…” wasiirka Deegaanka JSL

Diyaariye:khadar cabdi muuse

Sanadihii u danbeeyay xukuumadda Somaliland gaar ahaana wasaaradda Deegaanka ayaa si weyn isugu hawshay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka haleelay deegaanka, gaar ahaana xaalufinta deegaanka, iyo jarista dhirta qoyan.

Waxaanay wasaaradu dariiqooyin kala gedisan u martay sidii hawlahaasi wax looga qaban lahaa, isla markaana loo bad-baadin lahaa dhirta faraha badan ee sanad walba la jaro si dhuxul loooga shito, iyadoona wasaaradu dedal u gashay sidii loo heli lahaa diyaarinta wixii lagu bedeli lahaa dhuxusha.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland iyo shirkadda Telesom group foundation ayaa dhawaan ka daah furay xarunta wasaaradda deegaanka ee magaaladda Hargaysa, mashruuc qiimo dhimis 50% ah oo loogu sameeyay 5000 oo haamood, oo ah kuwa 5KG ah, ee shirkadda SOMGAS, qiimaha haanta ayaa markii hore ayaa 42$ halka imika laga dhigay 21$ dollar.

U jeedadda mashruuca ayaa ah sidii ay shirkadda Telesom group iyo haayadda SOMGAS, ay iskaga kaashan lahaayeen bad-baadinta deegaanka iyo la dagaalanka xaalufinta dhirta, isla markaana taageero dhaqaale loogu fidin lahaa qoysaska danyarta ah ee aan haysan dhaqaale ay ku iibsadaan hanta Gaasta ee 6KG iyo qalabkeedda oo dhamaystiran. Fursadan ayaa socon doonta muddo bil ah, waxaana la gaadhsiin doonaa dhaaanba goboladda dalka.

Daah furkii mashruucaasi waxaa ka qayb galay wasiirka wasaaradda deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Maaliyadda, agaasimaha guud ee wasaarada deegaanka Somaliland, masuuliyiin ka socday haayadaha caalamga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka

Sidoo kale waxaa madashaasi goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socday shirkadda Telesom, oo ay ka mid ahaayeen C/raxmaan C/laahi Yuusuf, maamulaha shirkadda SOMGAS, Cabdiwahaab Maax, guddoomiyaha haayadda Telesom Group foundation, iyo xubno kale.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo si rasmiya u daah-furtay mashruucaasi ayaa tilmaantay in laga midho dhaliyay mashruuc muddo dheer soo socday, isla ay hadda suurto gashay in ay fahmaan ganacsada, iyo bulshaduba faa’iidadda ay leedahay Gaasta cuntadda lagu karsado.

“Geedi socodkii aanu soo galnay, ama hayaankii dheeraa ee aynu soo galnay, hadaynu Somaliland nahay, dawladeedda, iyo dadkeeda, iyo ganacsatadeeduba gacmaha isku qabsadeen, midho dhalkeedii waynu haynaa. Waxaa xusid mudan sida ay maanta shirkadaheenii ama ganacsatadeenii ay isku xil qaameen, ee ay iyaga laftoodu qaybta weyn uga qaateen.

Waxaana farxad inoo ah in shirkadda Telesom iyo SOMGAS ay qiimo dhimis ku sameeyeen haamaha gaasta ee 5KG ah, kuwaasoo markii hore qiimahoodu ahaa 42$ imikana laga dhigay 21$, la siinayo. Taasi waxay ku tusaysaa in ay dad badan gaadhayso. Hanta gaaska cuntadda lagu karsado ee 5KG ah iyada ayaa ka jaban dhuxushii”ayay tidhi wasiirka deegaanka Somaliland.

Geesta kale C/raxmaan C/laahi Yuusuf, maamulaha shirkadda SOMGAS, waxaanu ka waramay u jeedadda ay shirkadoodu qiimo dhimistani u samaysay, iyo doorka ay ka qaataan bad-baadinta deegaanka, iyo jarista dhirta.

Waxaanu yidhi “U jeedadda aanu ka leenahay waxa weeye, intan aanu imika bixinayno ee 5000 ee haamood, in ay bad-baadiso deegaanka. 5000 ee qoys bishii waxay isticmaali jireen, qiyaastii 6 Geed oo dhuxul laga soo shiday. Dhirtu waa ta aynu ku nool nahay, xooleheeena, iyo nafteena, iyo caafimaadkeena, iyo hawada aynu neefsanaynaaba ay ku jirto.

Markaanu qiyaasnay mustaqbalka waxaanu ogaanay in ay imika diyaar yihiin 100,000 oo qoys, taasoo aanu ugu tallo galnay in xafladani lagu dhiiri geliyo, lagana wada qayb qaato. Wasaaradan Deegaanku, waa wasaarad masuuliyiinta jooga fahamkoodda deegaanku heerka uu marayo, waa mid uu dalka intifaacsan doono, oo wax badan wadanka inooga tari doonta.

In aynu is garab taagno wasaaradda deegaanka halkaa uu fahamkoodu joogo ee ah ilaalinta deegaanka, iyo isbedelka cimiladda ilaalintiisa, waanu dhiiri gelinaynaa shirkad ahaan, in ay bulshadu la fahmaan, oo ay kala sdhaqeeyaan”.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com