Waxaad Bixisaa Wixii Aad Awood U Leedahay!

Litha Ibnu Sacad waxa uu ka ganacsan jiray Malabka, markii ay dekedda ugu soo xidhatay dooni u siday foostooyin Malab ah, ayay islaan da’ ahi oo sidata weel aad u yari weydiisatay inuu uga buuxiyo weelkii yar ee ay sidatay Malabka, laakiin waa uu u diiday. Islaanta oo murugysan ayaa iska tagtay.

Ibnu Sacad ayaa amray ninkii la shaqaynayay inuu soo ogaado guriga islaantan, ka dibna uu u qaado Foosto malab ah. Kaaliyaha ayaa aad ula yaabay waxaana u ku yidhi “ Mudane waxay ka codsatay inaad weel yar wax ugu shubto waana aad u diiday, imikana waxaad leedahay foosto u buuxda u qaad waa sidee arinkaagu ?”

Ibnu Saciid ayaa ugu jawaabay:“Iyadu waxa ay wax igu weydiisatay weelkii ay heli karaysay ee awoodeedaa ahaa, aniguna waxaan wax ku siinayaa weelkii aan heli karayay ee awoodayda ah” . Waa akhlaaqada kuwa fahmay sadaqada iyo wanaageeda. “ Hadduu ogaan lahaa kan wax bixiya in sadaqadiisu ay ku dhaday gacanta Allah (sw) ka hor intii aanay gaadhin gacanta ka baahan , faraxadiisu waxay ka badan lahayd, kan la siiyay farxadiisa”.

(Kitaabka Faa’iidooyinka Sadqada Page 17, 18,19).

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com