- Iska jir gacan adayga, waxa aad sadaqaysato ayaa kuu ah hanti. Sadaqaddu waxay ka bilaabanta guriga (Qoyska).
- Qorshaha iyo nidaamka wanaagsani waa muftaaxa guusha, ku dadaal in aad mar walba samayso qorshe waxqabad.
- Ha sheegin wax kasta oo aad taqaan, laakiin waa inaad taqaan wax kasta oo aad sheegayso.
- Ha qaadan goโaamo degdeg ah, laakiin in badan ka fikir oo talooyin qaado.
- Ha werwerin laakiin in badan hubso tallaabada aad qaadays, oo mustaqbalka ah.
- Sabir iyo dulqaadku waxay leeyihiin saameyn la taaban karo xataa ka hor inta aan dhibaatada iyo caqabaduhu baabโin.
- Noloshu waa sallaan, ma kori kartid haddii gacnataadu jeebadda kuugu jirto
- Wakhtiga adag kaga gudub sabir iyo dulqaad.
- Weligaa ha qaadan goโaan marka aad werwersan tahay, sug , sabir. Waa uu ku dhaafi duufaankuye.
- Shaqooyinka waaweyni xoog laguma qabto laakiin waa sabir.
- Sabirku waa dhaqan wanaagsan, waxa ku baraa dulqaadka. Waana cashar adag.
Bandhige@gmail.co.