- Haddii uu Jaahilku aamusi lahaa, dadkuba isma khilaafeen.
- Raganimadu maaha in lagu gefo dumarka, caruurta, saboolka iyo masaakiinka, raganimadu waa in afartan la ixtiraamo
- Caqligu xad buu leeyahay, laakiin nacasnimadu xad ma leh.
- Dadku waxay arkaan nabarka madaxa kaga dhacay laakiin ma dareemayaan xanuunkiisa.
- Nin Xakiim ah ayaa la weydiiyey: waa maxay xikmad ? Waxa uu yidhi: Waa kala saarida waxaad taqaan iyo waxaanad garanayn.
- Fariidka caqligiisa ayaa ka horeeya carrabkiisa, Nacaska Carabkiisa ayaa ka horeeyay caqligiisa.
- Cadaali noqo ka hor inta aanad noqon deeqsi
- Haddii aad rabto inaad dadka ku faraxdo, ula dhaqan sidaad jeceshahay inay kuuula dhaqmaan.
- Xooga is muquuniinta waa dhaqanka dadka xun.
- Ardaygu maโaha weel la buuxinayo, laakiin waa shamac ay tahay in la shidayo.
Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com