- Ha sheegin wax kasta oo aad taqaan, laakiin waa inaad taqaan wax kasta oo aad sheegayso.
- Ha qaadan go’aamo degdeg ah, laakiin in badan ka fikir oo talooyin qaado.
- Ha werwerin laakiin in badan hubso tallaabada aad qaadays, oo mustaqbalka ah.
- Sabir iyo dulqaadku waxay leeyihiin saameyn la taaban karo xataa ka hor inta aan dhibaatada iyo caqabaduhu baab’in.
- Noloshu waa salaan, ma kori kartid haddii gacnataadu jeebadda kuugu jirto
- Wakhtiga adag kaga gudub sabir iyo dulqaad.
- Weligaa ha qaadan go’aan marka aad werwersan tahay, sug , sabir . way ku dhaafi duufaanku
- Shaqooyinka waaweyni xoog laguma qabto laakiin waa aqoon, adkaysi iyo sabir.
Sabirku waa dhaqan wanaagsan, waxa uu ku baraa dulqaadka. Waana cashar adag
Bandhige@gmail.com