Tallaalka Xannuunka Cagaarshow-ga ( Hepatitis B) (WQ: Dr. Cabdikarim Daahir Xassan).

Laba hab ayaa looga hortagi karaa khataraha ka iman kara xannuunka Cagaarshow-ga (Hepatitis B). midda kobaad waa in laga hortago faafida xannunga iyadoo la xakamaynayo dariiqooyinka lagu kala qaado. Habka labaad waa in la tallaalo dadka khatarta ugu jira in ay xannuunka qaadaan iyo kuwa jidhkoodu u nugul yahay.

Maqaalkan waxaan kaga hadli doonaa Tallaalka xannuunkan, cidda qaadan karta, sida loo qaadan  karo , goorma ayaa loo baahan yahay iyo muddo intee leeg ayuu qofka jidhkiisu ka faa’iidi karaa, waa maqaal si mug leh ugu daadegaaya su’aalahaa iyo macluumaad kaleba.

Tallaal-kani muxuu ka samaysan yahay?.

Si loo sameeyo tallaalka xannuunka Cagaarshow-ga (Hepatitis B) ayaa waxa la qabtay Fayraskii waxaana laga saaray Jiinka ama hidde-sidaha ka mas’uulka ah midd ka midd ah barootiinada uu ka samaysan yahay Fayrasku oo loo yaqaan (“surface protein gene”).  Jiinkii ayaa lagu dhex beeraa fangaska loo yaqaan yiist (Yeast) si uu ula tarmo.

Barootiin-kaas oo loo yaqaan “surface antigen protein” ayaa la tarma fangaska, kadibna inta shaybaadhka la geliyo ayaa lagu xidhaa maadada loo yahaa Alluminium Hydroxide, taas oo faa’iidadeedu tahay in ay kordhiso awooda tallaalka, u adkaysigiisa kulaylka, iyo firfircoonidiisa uu ku carinayo difaaca jidhka qofka. Sidaa daraadeed tallaalka fayraska Hepatitis B kuma jiro fayras nooli, taasina waa midda ka dhigtay tallaal khatartiisu aad u yartahay oo lasiin karo dadka difaaca jidhkoodu hooseeyo.

Waxa mararka qaarkood la isku sidkaa labada tallaal ee Hepatitis B iyo Hepatitis A oo ah laba fayras oo keena xannuunka cagaarshowga laakiin laka yasiran. Tallaalkan waa in lagu kaydiyo qaybta wax qaboojisa ee talaagada, inta u dhaxaysa 20c ilaa 8oc digrii.

1982 ayaa markii ugu horaysay la adeegsaday tallaalka cagaarshow-ga (Hepatitis B), wakhtigaa intii ka danbaysay ku dhawaad 1 bilyan oo qof ayaa laga tallaalay xannuunkan sida ay sheegtay hay’ada caafimaadka aduunka ee (WHO), iyadoo waliba la xaqiijiyay in tallaalkani wax wayn ka taray yaraynta iyo ka hortaga kansarka beerka ee ka dhasha fayraska hibataaytis B loona yaqaan (Hepatocellular carcinoma).

 

 

Yaa laga tallaalaa cagaarshow-ga (Hepatitis B)?.

Dad kala duwan ayay tahay in laga tallaalo xannuunka cagaarshow-ga, waxaana ka midd ah;

1. Dadka shaqadoodu ku qasbayso inay la tacaamulaan dhiiga dad qaba xannuunkan.

  1. Xirfad la’yaasha caafimaadka, sida dhakhaatiirta, kalkaalisooyink, umulisooyinka iyo shaqaalaha u xilsaaran dhiig qaadista.
  2. Shaqaalaha shaybaadhada iyo dhakhaatiirta Ilkaha.
  3. Shaqaalaha ka howl gala qolka maydka iyo qolka lagu baadho sababta maydku u dhintay (autopsy workers).
  4. Booliiska iyo howl wadeenada dab demiska iyo gurmadka degdega ah.

2. Dadka daroogooyinka kala duwan isku muda ee xididada ka qaata.

  1. Dadkaas hore dadka la nool ee ama xaas u ah ama caruur u ah.
  2. Dadka lagu ogyahay in ay jidh-kooda ka ganacsadaan.
  3. Dadka ku xaraysan jeelasha ama xarumaha dhaqan celinta iyo dib u saxida eedaysane yaasha.

3. Dadka si joogto ah ugu baahan in lagu shubo dhiig; sida dadka qaba xannuunada ay ka midd ka yihiin.

  1. Thalasaemia major
  2. Sickle cell anaemia
  3. Spherocytosis
  4. Haemophilia

4. Dadka la nool qof la ogyahay in uu qabo xannuunka.

Intaas uun kuma koobna dadka tallaalkan ay tahay in lasiiyo, laakiin waa kuwa ugu mudan ee ay tahay in aan sina loo moogaan.

Tallaalkan waxa sida caadiga ah loogu talo galay saddex goor in qofka lagu mudo oo kala ah midda lagu bilaabayo, bil kadib iyo lix bilood ka dib (0,1,6). Lama hubo muddada tallaalkani ku jiri karo jidhka qofka ee uu difaac fiican qofka siin karo laakiin waxaa la saadaalinayaa in uu gaadhi karo ilaa labaatan sano.

Dadka  u baahan in si degdeg ah looga ilaaliyo xannuunkan (tusaale ahaan’ shaqaalaha caafimaadka ee si kama’ah irbadi u mudo oo kale)  ayaa lasiin karaa tallaal degdeg ah bil gudaheed iyadoo saddexda mudniin loo dhaxaysiinayo 0,7,21 maalmood. dadka da’doodu wayn tahay ( Lixdan sanno iyo wixii ka wayn) iyo caruurta saddex sano ka yar ee looga shakiyay in ay halis u galeen in ay xannuunka cagaarshowga qaadaan ayaa iyagana lasiin karaa tallaalka degdega ah.

Qofka mar tallaalku u dhamaado ee qaatay saddexdii jeerba uma baahna in dib loo tallaalo, laakiin wuxuu qaadan karaa halmar oo loo yaqaan (booster dose) shan sanno kadib tallaal kiisii hore.

Sidee loo hubsadaa in Tallaalkii wax taray ?.

Marka qofku tallaalka dhamaysto, jidhkiisu wuxuu sameeyaa difaac adag oo uu kaga hortago fayraska dhaliya xannuunkan cagaarshowga hadii uu jidhka soo weeraro. Unug-yada difaacaas ka mas’uulka ah ee safka hore kaga jira waxaa loo yaqaan (plasma cells). Unug-yadaasi waxay sameeyaan barootiin shaqadiisu tahay in uu aqoonsado oo isku hareereeyo fayraska marka uu jidhka soo galo, kadibna ugu yeedho dhamaan unugyada kale ee difaaca jidhka.

Barootiinkan Unugyada difaaca jidhku sameeyeen  wuxuu ku garanayaa fayraska barootiin uu fayrasku leeyahay sida aynu soo xusnay oo isna la yidhaa (hepatitis surface antigen). Culimadu barootiinkaas jidhku samaystay si uu isugu difaaco waxay u bixiyeen (Hepatitis B surface Antibody) magacan waxa loosoo gaabiyaa Anti-HBs

Haddaba, hadii la doonayo in la ogaado in tallaalkii wali qof u shaqaynayo oo jidhkiisu difaac fiican leeyahay waxa la qiyaasayaa barootiinkan (Hepatitis B surface Antibody) ee u qaybsan tooyashada iyo dabrida fayraska. Waxa muhiim ah in la garowsado in aanay fududayn in qofkasta la eego heerka tallaalkiisii wali marayo, sidaa darteed ayaa tallaabadan lagu koobay noocyo dad ah oo kooban.

Waxa kale oo xusid muddan in xadi gaadhaya  10-15%  oo dadka la tallaalo ah ay ku guul daraystaan in jidhkoodu si fiican ula jaanqaado tallaalka markaana aanu tallaalku waxba u tarin ( WHO).

Hadii qofka la eego heerka tallaalkiisu joogo iyadoo la adeegsanayo barootiin-kaas aynu soo sheegnay waxa fiican in anti-HBs-ka dhiigiisa kujiraa kasareeyo 100 mlU/mL.  qofkaas markaa uma baahna in tallaal danbe lagu celiyo ama heerka difaaciisa dib loo qiimeeyo, waxa keliya lasiinayaa booster dose shan sanno ka dib.

 

Hadii qof Anti-HBs- kiisu u dhexeeyo 10-100 mlU/mL, qofkan waa in mudniin tallaal oo afraad markaaba lasiiyo, kadib kii shanta sano kadib ee dib u cusboonaysiinta ahaa lasiiyo marka la gaadho.

 

Hadii qof Anti-HBs-kiisu ka hooseeyo 10 mlU/mL, waxa loo aqoon sanayaa in qofkaa tallaalkii wax saamayn ah ku reebin, difaacii loo baahnaana aanu samaysmin. Xaaladan waxa haboon in qofka laga baadho Infakshanka fayraska, midd hore ama midd imika haya oo cusub. Kadibna waxa loogu celinayaa tallaalkii; saddexdii mudniinba islma markaana dib ayaa marlabaad loo qiimaynayaa.

 

Hadii uu wali ka hooseeyo 10 mlU/mL marka uu dhamaysto wareega labaad ee tallaalka, waxa xiligaa lasiinayaa (Hepatitis B immunoglobulin) oo Antibody diyaar ah oo laga soo miiray dhiig uu ku deeqay qof difaaciisu aad u fiican yahay. Tani waxay siinaysaa uun difaac kumeel gaadh ah oo uu ku dhaafo xaaladaha khatarta ah; sida hadii u qaliin gelaayo ama meel xannuunkani degeshada u safraayo.

Laba nooc oo dad ah ayaa maarayn gaar ah u baahan marka tallaalka cagaarshow-ga (Hepatitis B) laga hadlaayo. Waxay kala yihiin dadka kelyuhu shaqadii joojiyeen ee dhiiga loo maydho ( Kidney failure on dialysis) iyo dadka xannuunada dhiiga ee lakala dhaxlo qaba ee u baahan in dhiig si jooto ah lagu shubo.

Labadaas nooc waxay u baahan yihiin in sannad kasta mar la hubiyo heerka tallaalkoodu joogo oo hadii uu ka hooseeyo 10 mlU/mL lasiiyo darbad dib u cusboonaysiin ah.

Waxaan kusoo xidhayaa maqaalka, xannuunka cagaarshow-gu waa midd ku fidaya wadama geeska afrika ee wadankeenu ka middka yahay, waa xannuun khatar ku ah nolosha qofka oo keena aafo aad u daba dheer, tallaalkiisuna wuxuu kujiraa tallaalada ugu waxtarka badan, sidaa darteed waxa inala gudbood in aan ku dadaalno qaadashada tallaalka, dhamaan xubnaha qoyska laga bilaabo aabaha , hooyada, caruurta iyo intii kaleba.

 

Ilaahay ayaa mahad oo dhan iska leh.

Dr Cabdikarim D Xassan

MBBS, MSc.