Gabayga Qaasim

wuxuu ahaa:

Eyle iyo Siwaaqroonta xumi, ha i suryeeyeene
Seetada ha ii gaabiyeen, sabab laโ€™aaneede
Seeddiyo boqnaha hay jareen, sab iyo laangaabe
Sanqadh yari ha ii dilo tumaal, siiqya looshadaye
Sanka hayga mudo inan-gummeed, loo sarrayn jiraye
Sawaab iyo midgaan Guulwada ihi, ha i sudhnaadeene
Hadba hay saloosheen sidii, geedka saarka ahe
Ilaahbaa sidaa noo gartee, ha i sadqeeyeene
Annagiyo Saleebaanadii, way na sidataaye

Seeftii Abgaal bay agtaal, saawirta ahayde
Habar Gidir sinsaarada ku timid, sigay ugaaskiiye
Sixilluu Kacaankani u galay, Sacad raggiisiiye
Warsangeli suldaan iyo ma jiro, boqor la sooraaye
Saamee dhammaantii Isaaq, salaw colaadeede
Soomaalidii waxa ka nool, saaka madaxgaabe
Wax siyaasaddii loo egmaday, silic ku nooshiiye
Markii talada habar saar leh iyo, sebiyo lo doortay
Ayey sayn-caddaa iyo waxgarad, sibiq dhaqaaqeene

Dhulkan suuradii laga baddelay, socodna dhaameelay
Way wada socdaaleen raggii, soocanka ahaaye
Saadada cadhootee midgaha, laga sarraysiiyey
Waa sixirradii Bucurbacayr, sananka muuqdaaye
Inta ay sidaa tahay nin gobi, sooman ka ahaaye
Qaansaleydu haw sacbbiyeen, Siigga qalataaye
Naagaha surwaalka lihi mashxarad, ha u safnaadeene
Single iyo waxaan dhalad ahayn, siidhi haw tumo e
Sabaalada ha moodeen in loo, sahanshey meel roone

Saadaaladaa lagu gartaa, sebenka caal waaye
Waa waxa abaar nagu salliday, soof ma reebta ahe
Saddex-guuro waa waxa na baday, sadhiyo daacuune
Samadii daruur laguma arag, seermaweydada e
Soโ€™dii ceelka waa waxa biyuhu, uga salguureene
Adduunyadu sidaa kuma gudhoo, subaxba waa cayne

Nin kastoo sallaan dheer u baxa, siibashaa xigiye
Suuldaaro waw halis ninkay, rag isa seegeene
Sirqabahana taariikhdu way, sahamindoontaaye
Maantana Siciidow waqtigu, saamaxaad malehe
Moorada salkeediyo xalaan, sugay malluugtiiye
Siigadaa madow ee dayaxa, saaran baan garanne
Dhiig buu sidaa waqalkan aad, sagalka mooddaaye
Siigada dhacaysaa ragbay, sabibi doontaaye
Illaahay sidaan ka arki jirey, way ku socotaaye
Duulkii sedkoodii dhammaa, saancadka lahaaye
Sanbabada gantaalaha ka mudi, saadanbay garane
Waa layna kala soocayaa, subax aan dheerayne
Ninki cadho la sooyaamayow, samirka maad dhawrtid

Qaasim gabaygiisu intaa ayuu ku dhan yahay. ย Jawaabtii Dhoodaan cajalad uu xilligaa ku qabtay ma helin.ย  Bishii May 2009 mar aan ku booqday magaalada Diridhaba ayaan gabayaaga doocdoociyey oo aan ku kallifay inta uu ka xasuusto gabaygaa inuu ii qabto.ย  Wuxuu ii sheegay inuu gabayga Qaasim finiq-finiq u tixraacay, hase yeeshee gabaygiisa badankiisii uu halmaamay oo aanu hadda soo tuuri karin.ย  Waxa maqan waxaan ku raadin inta yar ee aad xasuusan tahay ee ii duub ayaan ku adkeeyey.ย  Markaa ayuu ii sheegay meerisyadan hoose.ย  Dhoodaan wuxuu yidhi:

ยทย ย ย ย ย Nin siqsiqaya waa loo ritaa, mar uu sinbiidhaaye

ยทย ย ย ย ย Ku sarkhaamay oo Qaasimow, suuxsan baa tahaye

ยทย ย ย ย ย Sababtoo ah saa waa inaad, marinkii seegtaaye

ยทย ย ย ย ย Haddaad sirirtay saaxiibadaa, kuuma saxayaane

ยทย ย ย ย ย Anna saaka sawd uma cesheen, tuug salleelo ahe

ยทย ย ย ย ย Hadal suruq leh iyo sheekadaad, saydhisaa baโ€™ane

ยทย ย ย ย ย Asalkaba sintaad raacsanayd waa, suโ€™aal fudude

ยทย ย ย ย ย Saado iyo Shariif iyo durriyad, sadarba waa cayne

ยทย ย ย ย ย Saddexdaba ciddiinaa tidhaa, waa safkaan nahaye

ยทย ย ย ย ย Salsaloodad mooyee haddana, kuma salowdaane

ยทย ย ย ย ย Dhanna kuma sallimo Qaasimow, reer sansaan xume

ยทย ย ย ย ย Sakatiga waxaa kuugu wacan, show sabbaa tahaye

ยทย ย ย ย ย Waxaan kugu sasabayaa anoo, talo ku siinaaya

ยทย ย ย ย ย Sancaduba aday kuu dan tahay, saa haddaad garane

ยทย ย ย ย ย Hayska soocin Soomaalida waad, dhex socotaaye

ยทย ย ย ย ย Sinaantiyo waxaad dawladnimo, uga santaagayso

ยทย ย ย ย ย Sad qabiil hadduu yahay inaad, suuqa kaga baanto

ยทย ย ย ย ย Sarsarkiinu waw jilicsan yahay, seeska reeraha e

ยทย ย ย ย ย Wakhtigii saraayo leh ragbaad, saynta kaga taale

ยทย ย ย ย ย Dadka soodintiinaasi waw, sabad xumaydeene

ยทย ย ย ย ย Adaa saamo jiidee haddaan, taadi kala saafo

ยทย ย ย ย ย Doog saxal laโ€™aaneed wakaa, maalku saanyado e

ยทย ย ย ย ย Habar Gidir sinsaariyo ma helin, seexatiyo feedhe

ยทย ย ย ย ย Mana sigan ugaaskiiye waw, sacab tumaynaaye

ยทย ย ย ย ย Seef looma quudhiyo Abgaal, sumuc ka dhiijaaye

ยทย ย ย ย ย Idinkiyo Saleebaanadaa, laysma soo sudho e

ยทย ย ย ย ย Suwaaqroonta bariyeed lahayd, ima suryeynayso

ยทย ย ย ย ย Isaxaaq sidiisii iyagu, sado ma dhiibayne

ยทย ย ย ย ย Adaa sumac-la-raac kaga haboon, sogob dhufaanyow e

ยทย ย ย ย ย Oo soomalhaadoo hunguri, kuu sanqadhayaaye

ยทย ย ย ย ย Ka surkaaga xidhay waa ugaas, kuu sarayn jiraye

ยทย ย ย ย ย Seetada ha kuu gaabiyeen, sino qalloocnayde

ยทย ย ย ย ย Haddii sayn-caddaa gabbay xilkii, dhabarka loo saaray

ยทย ย ย ย ย Asii habar saar qabtiyo, sabi uu dhaamaayo

ยทย ย ย ย ย โ€ฆ.

ยทย ย ย ย ย Dayaxa iyo suudiga kolkaad, sahanka gaadhsiisay

ยทย ย ย ย ย Qiiqaa ku saameelan iyo, siigadaad aragtay

ยทย ย ย ย ย Sixiroolayahow waa adigoo, lagu sadqeeyaaye

ยทย ย ย ย ย Wiilkii sallaan kore u baxay, sabano dheeraad ah

ยทย ย ย ย ย Siigada hadduu kaga dhacoo, kaasu sidan waayo

ยทย ย ย ย ย Sunbuu adiga kaa yahay kollay, subaga daataaye

dollo.com