Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa oo la soo Gaadhsiiyay 15 Qof oo Qabba dhaawacyo kala duwan

Xubinta kowaad ee barnaamijkeena caafimaadka waxa aynu ku soo qaadan doona warbixin cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ka soo saaray dhaawacyo kala duwan oo soo gaadhay sideedii saacadood ee la soo dhaafay.

Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa waxa uu warbixintiisa ku sheegay ย in 8 saacadood ee la soo dhaafay ay soo gaadheen dadyow qaba dhaawacyo kala duwan, waxaa ay xuseen in qaarkood dhaawacyo ay ka soo gaadheen ololaha kadib markii loo adeegsaday Tooreyo, halka kuwana ay galeen shilaal gaadhi.

Warbixinta cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa uu soo saaray ayaa u dhigneyd sidan:

8-dii Saacadood ee ugu danbaysay waxaa soo gaadhay 15 qof oo iskugu jira Shilal baabuur iyo dhaawacyo tooray loo adeegsaday.

Dhaawacyadaasi Dhamaantood waxay ka dhasheen Ololaha Dooroshooyinka ee xalay ilaa saaka dhacayay ee ka socday gudaha caasimada Hargeysa.

Waxaanu Bulshadayda Somaliland ee Dhalinyarada ah ku boorinaynaa inay Naftooda khataraha ka ilaaliyaan, waxaa kaloo muhiim ah in Xisbiyada iyo Ururadu ay masuuliyad iska saaraan dadka u ololeynaya bad-qabkooda.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com