Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Faraxalka Adduunka

Xubinta koowaad ee barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan waxa aynu sso qaadanaynaa xuska maalinta Faraxalka adduunka oo Hargaysa laguย  qabtay.

Shanta bisha tobnaan sanad kasta waxa adduunka laga xusaa maalinta Faraxalka adduunka, taasi oo looga dan leeyahay in la ilaaliyo fayadhawrka qofka, tarbiyadana ay u noqoto caruurta iyo qof kasta oo caafimaadkiisa dank a leh.

Haddaba Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland. Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa maanta ka qaybgalay, xuska maalinta caalamiga ah ee faraxalka Aduunka.

Munaasibad si heer sare ah looso agaasimay, oo ka qabsoontay Iskuulka hoose dhexe ee Biyo dhacay, ayaa waxaa goobjoog ahaa, Maxada fayadhawrka ee wasaaradda horumarinta caafimaadka, Isuโ€™duwaha caafimaadka ee gobolka Maroodijeex, masuuliyiin sare oo ka kala socotay wasaaradda waxbarashada, Hay,adda Unicef, maamulka iyo ardayda dugsiga hoose dhexe ee Biyo-dhacay mudan iyo marti kale.

Xuskan oo ujeedadiisu ahayd sidii bulshada loogu dhiirigelin lahaa, ahmiyadda ay leedahay in la joogteeyo faraxalka si loo illaaliyo badqabka Caafimaadka bulshadeena, ayaa masuuliyiintii kasoo qaybgashay oo hadalka iska daba qaatay ay bulshada Jamhuuriyadda Somaliland guud ahaanteed kula dardaarmay in ay joogteeyaan faraxalka mar kasta oo ay hawl qabanayaan, si loo yareeyo xanuunada sidoo kalana loo ilaaliyo badqabka Caafimaad ee Bulshadeena.

Ujeedada xuska maalinta Faraxalka adduunka loogu qabtay dugsiga hoose dhexe ee Biyo dhacay ayaa ahaa in ardayda yar yare ee waxbaranaysa lagu baraarujiyo faaโ€™iidooyinka Faraxalka iyo ilaalinta fayadhawrka nafta iyo in la xasuusiyo khatarta ka dhalan karta in qofku wax iska cuno Farax laโ€™aanta.

 

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com