Faa’idooyinka Baamiyaha Iyo Qaababka Dawo ahaan Loogu Isticmaali karo

Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka waxa aynu ku soo qaadan doona faa’iidooyinka baamiyaha iyo qaababka daawo ahaan loogu isticmaalo.

Maanta qoraalkeenu waa geedka loo yaqaano “Baamiyaha”, Luqadda english-kana lagu dhaho “Okra”, badanaa suugada ayaa lagu kariyaa, sidiisane waa loo uumiyaa oo waa la cunaa, wuxuuna leeyahay dhareer jiidjiidmayo, wuxuuna ka mid yahay geedo daaweedyada cilmibaarista lagu sameeyay, wuxuuna leeyahay faa’idooyinkaan soo socdo:

Sokorta / Macaanka:

Baamiyuhu wuxuu ugu horeeyaa geedaha lagu daaweeyo xannuunka macaanka, cilmibaadhayaal tiro badan ayaa geedkaan xoogga saaray si ay uga salgaadhaan qaabka uu macaanka ula dagaallamo, waxayna qaar ka mid ah sheegeen inay mustaqbalka rajayn doonaan in baamiyuhu gali doono booska daawada kaniinnada sokorta loo qaato, waxayna ku sameeyeen daraasado aad u badan oo ku saabsan arrintaas, waxaana la arkay inuu baamiyuhu jidhka ku caawiyo kontaroolidda sokorta, waxayna cilmibaadhayaashu ku hanwayn yihiin inuu daawo mustaqbalka laga samayn doono taasoo macaanka lagu xakameeyo, waxaana lagula taliyaa dadka sokorta qabo inay joogteeyaan cunista baamiyaha.

Kolestaroolka:

Baamiyuhu wuxuu kaloo yareeyaa dufanka dhiigga ee loo yaqaano “Kolestaroolka” iyo xaydha fadhiista jidhka qaybihiisa kala duwan sida beerka oo iyadana   loo yaqaano “Triglyceride”, waana arrin cilmibaadhis lagu arkay.

Dheefshiidka:

Baamiyuhu wuxuu u wanaagsan yahay dheefshiidka, caloosha wuu jilciyaa, mindhicirradane wuxuu ku caawiyaa qashinsaarka, wuxuu kaloo ka hortagaa baabasiirka.

Xididada xannibma:

Baamiyaha waxaa ka buuxo fitamiin C, kan oo ka hortago inuu dhaawac gaadho unguyada jidhka khaasatan xididada.

Lafo-xanuunka iyo Riixa:

Waxaa la aaminsanaan jiray in baamiyaha aanu xidhiidh la lahayn xanuunada kala-goysyada ku dhaco markii la baadhay kadib, laakiin waxaa la ogaaday in markii la uumiyo baamiyaha inay dhasho maado loo yaqaano “Silicate” oo u roon kalagoysyo xanuunka.

Aragga:

Baamiyaha wuxuu kaloo u roonayahay aragga iyo caafimaadka maqaarka sababtuna waa Vitamin A oo ka buuxo iyo awooda “Antioxidant” oo ah sunsaaraha oo sarreysa.

Caafimaadk Uurka:

Hooyooyinka uurka leh waxaa loo qoraa daawo la dhaho Folate ama Folic Acid, tan oo caawiso korriimada uur-jiifka, kana hortagta inuu ku dhasho iin haddii maadadaan ay jidhka ku yaraato, sidaas awgeed Baamiyaah waxaa ka buuxo maadada “Folate”, waxaana lagula taliyaa hooyooyinka uurka leh inay badsadaan Baamiyaha si ay uga helaan fitamiinno ku filan korriinka uurjiifka.

Dhiig-karKa:

Baamiyaha waxaa ku jira maaddo loo yaqaano “Oleic acid” oo hoos u dhigta cadaadiska dhiigga, maadadaan waxaa kaloo laga helaa saliidda saytuunka.

Caabuqa dhuunta iyo sambabada : Baamiyaha wuxuu kaloo daawo u yahay xanuunda ku dhaca dhuutan sida quumanka iyo infekshanka sambabaka ku dhaco sida qabowga iyo oofwareenka.

Sidee loo isticmaalaa Baamiyaha markii daawo ahaan loo qaadanayo?

Markii la wareestay dadka ku daawoobay, waxay sheegeen in qaabkaan ay u isticmaaleen, dhowr meel oo lagu xusayo in qaabkaan loo adeegsadane waan arkay, waana sidatan:

5 xabo oo baamiyo ah, ka goy afka hore iyo afka dambe, kadib u jar qaab dheerdheer, kadib ku rid biyo kulul oo ku kari muddo 5 daqiiqo ah, kadibna la dhig isla digsigaas ama saxankaas habeenkii oo idil, subaxii markaa soo toostid, cab biyahaas baamiyuhu ku milmay, kadibna isaga cun, ugu yaraan waa in aad sidaa samayso 10 maalmood, si aad wax iskaga garato.

Bulsho badan oo sidaan sameeyay waxay sheegeen in sokorta ko kontarooleen, xanuuanda lafaha iyo kalagoysyadane inay kaga caafimaadeen.

Waxaa la sheegaa in baamiyuhu uu leeyahay faa’idooyin intaa ka badan, laakiin kuwa aan kor ku soo xusay waa faa’idooyin la isku waafaqay, laguna arkay cilmibaadhisyo dhowr ah.

Inkastoo Soomaalidu badanaa u aaminsanayd in baamiyuhu u fiican yahay kala-goysyada, laakiin cilmibaadhistaan waa mid cusub oo awal laguma waafaqsanayn soomaalida iyo hindida oo ku daawayn jiray Tufta, Riixa iyo Lafo-xanuunka.

W/Q: Dr Cabdillaahi Mahdi

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com