Dalalka Xubnaha ka ah Ururka BRICS iyo Ujeedada loo Abuuray

BRICS waa urur dawladeed oo ka kooban Brazil, Russia, India, China , South Africa , Iran , Masar , Ethiopia iyo United Arab Emirates . Asal ahaan waxa loo aasaasay in lagu muujiyo fursadaha maalgashiga ,Laakiin waxay u xuubsiibatay koox siyaasadeed, iyada oo dawladahoodu ay ku kulmaan sanad walba shirar rasmi ah waxayna isku dubaridaan siyaasado dhinacyo badan leh tan iyo 2009. Xidhiidhka wadamada xubnaha ka ah BRICS ayaa inta badan lagu saleeyaa faragelin laโ€™aan, sinnaan iyo faaโ€™iido wadaag.

Waddamadii aasaasay oo kala ah Brazil, Russia, India, iyo China ayaa shir madaxeedkii ugu horeeyay ee hogaamiyaasha ku qabtay Ruushka 2009, iyada oo la adeegsaday magaca BRIC . Xarfaha BRIC waxay ka taagan yihiin Brazil, Russia, India, iyo China. Sanadkii 2010 Koonfur Afrika ayaa ku soo biirtay waxaanay xubin ka noqotay markii ay ka qayb gashay shir madaxeedkii ugu horreeyay ee sanadkii 2011 ka dibna magacii waxa lagu daray hal xaraf oo kale oo ka taagan dal waxaana uu noqday BRICS.ย  Iran, Masar, Ethiopia, iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ka qayb galay shir madaxeedkoodii ugu horeeyay ee wadamada xubnaha ka ah shirwaynaha 2024 ee Ruushka.

BRICS markii la arkay in ay korayaan waxa uu soo jiitay macaamiil kale Mowjaddo ballaadhin ah ayaa yimid shirkii BRICS ee 2023, iyada oo lagu martiqaaday lix waddan oo cusub: Argentina, Masar, Ethiopia, Iran, Saudi Arabia, iyo Imaaraadka Carabta (UAE). Dhammaan dalalkaa waa la aqbalay marka laga reebo Argentina, ka dib markii madaxweynaha cusub ee la doortay Javier Milei uu ka noqday xubinnimada, iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin. Sacuudi Carabiya weli si rasmi ah uguma biirin, laakiin waxay ka qaybgashaa hawlaha ururka sidii waddan lagu martiqaaday.

Marka la isku daro, xubnaha BRICS caalaamka dhul ahaan waxay ka yihiin boqolkiiba 30% dadweynaha adduunka waxay ka yihiin boqolkiiba 45%. Koonfur Afrika ayaa leh dhaqaalaha ugu weyn Afrika halka Brazil, India, iyo Shiinaha ay ka mid yihiin tobanka waddan ee adduunka ugu badan marka loo eego tirada dadka , sidaas oo kale bedka iyo wax soo saarka guud ee gudaha adduunka (GDP) waxay yihiin qayb weyn, sidoo kaleย  saami-iibsiga awoodda wax iibsiga waxay ka yihiin qayb iyada oo Ruushku u soo baxay inuu yahay kan Yurub ugu weyn dhaqaallihii sanad xisaabeedka ugu dambeeyay. Dhammaan shanta waddan ee bilowga ah waxay xubno ka yihiin G20 , oo leh wadarta guud ee wax soo saarka gudaha ee loo yaqaano GDP oo dhan US$28 trillion (waxaanay wax soo saarka adduunka kaย  yihiin qiyaastii 27%ย  ).

Wadamada BRICS waxaa loo arkaa inay yihiin kuwa ugu horreeya juquraafi ahaan ee ka hor jeeda isbaheysiga G7 oo lagu tilmaamo hogaamiyayaasha dhaqaalaha ka horumarsan, waxay wadaan fulinta hindisayaasha tartanka sida Bangiga Horumarinta Cusub , Habaynta Kaydka Ku Jir BRICS , dhaqaalaha BRICS iyo arrimaha wax soo saarka BRICS.

Maxay qabtaan BRICS?

Madaxda wadamada BRICS ayaa shira sanad walba, iyada oo wadan kastaa uu qaato hal sano oo gudoomiye ah si loo dejiyo waxyaabaha mudnaanta leh iyo marti gelinta shir madaxeedka. Kooxdu waxay ku tiirsan tahay goโ€™aan qaadasho ku salaysan is-afgarad, waana mid aan rasmi ahayn: sababta oo ah ma laha axdi qeexan, xoghayn, ama dhaqaale guud.

Mawduucyada mudnaanta:

U doodid matalaad weyn in ay ka helaan ururada caalamiga ah. BRICS waxa ay rabtaa in ay abuurto aragti midaysan oo dhaqaale oo soo koraysa ee hayโ€™adaha caalamiga ah. Kooxdu waxay ujeedadeedu tahay in la riixo in dib u habayn lagu sameeyo hayโ€™adaha jira ee caalamiga ah, sida ballaadhinta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyo inay samaystaan kooxo gorgortan ka dhex sameeya hayโ€™adahaas. Tusaale ahaan, dalal badan oo BRICS ah ayaa ka soo horjeestay cambaareynta Qaramada Midoobay ee dagaalka Ruushka ee Ukraine sidaas oo kale waxay mawqif midaysan iska taageen Nukliyeerka Iran iyo colaadaha Afgaanistaan, Gaza, Liibiya, iyo Suuriya kaa soo ka duwan kan reer galbeedka.

Isku-dubaridka siyaasadda dhaqaalaha. Hoos-u-dhacii caalamiga ahaa ee 2008 ayaa si adag u haleelay dalalka BRICS, taas oo keentay in kooxdu ay xoogga saaraan isu duwidda arrimaha dhaqaalaha sida siyaasadda canshuuraha, xaddidaadda dhoofinta kheyraadka muhiimka ah, iyo maalgashiga. Maalgelinta tooska ah ee sannadlaha ah ee ururka (FDI) inkasta oo ay hoos u dhaceen sannadihii u dambeeyay.

In la yareeyo ku tiirsanaanta doolarka Maraykanka. Iyaga oo isa soo taraysa uga xumaaday xukunka dollarka ee wax kala iibsiga caalamiga ah, taas oo u soo bandhigta cunaqabataynta reer galbeedka, madaxda BRICS waxay muddo dheer u ololaynayeen iska yaraynta Dollarka waxaanay door bidayeen in ay ganacsiga ku macaamilaan lacagaha maxaliga ah ama xitaa lacag gaar ah oo BRICS.

Abuur hab maaliyadeed kale. Kooxda Baankeeda cusub ee Horumarinta (NDB) iyo Habaynta Kaydka wax soo saarka (CRA) ayaa loogu talagalay inay ku daydaan in ay ka garab shaqeeyaan Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF). Xubnaha BRICS waxay rajeynayaan in ay kicin karaan iskaashiga amaahineed oo ay ku maxaamilaan si ay u yareeyaan ku-tiirsanaanta ilaha dhaqaale ee soo jireenka ah.

NDB iyo CRA waxaa loo nashqadeeyay beddelka waxa loogu yeedho habaynta Bretton Woods, nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah ee caadiga ah oo ay aasaaseen waddamada warshadaha hormuudka ka ah ka dib Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Dalal badan oo ka tirsan Koonfurta Caalamka ayaa aaminsan in hayโ€™adahaas, gaar ahaan Bangiga Adduunka iyo IMF, ay ku guul-darreysteen inay daboolaan baahiyaha dalalka saboolka ah, gaar ahaan dhinacyada sida maalgelinta cimilada .

NDB waxay bixisaa deymo, dammaanad, iyo habab kale oo maaliyadeed si ay u taageeraan mashaariicda gaarka ah ee gacan ka geysta horumar waara iyo dhisidda kaabayaasha. Waxaa loogu talagalay in lagu bixiyo dabacsanaan badan, sinnaan weyn oo ka dhex jirta saamilayda, iyo helitaanka lacag fudud marka loo eego Bangiga Adduunka, kaas oo ay tahay in uu la wadaago dareenkiisa 190 xubnood.

muujiyay xiisaha ay u qabaan ku biirista, iyo ugu yaraan labaatan ayaa la sheegay inay codsadeen inay ku biiraan ka dib balaadhinta shirwaynaha 2023.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com