Wasiirka Wasaaradda Caddaaladsa JSL, Md. Yoonis Axmed Yoonis, ayaa kormeer xaqiiqo raadis ah ku sameeyey Xabsiyada Gobolka Hawd & Dagmada Salaxley.
Wasiir Yoonis Axmed Yoonis, ayaa hawlwadeennada xabsiga iyo guud ahaantood Ciidanka Asluubta JSL uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay ula dhaqmaan maxaabiista, waxaannu ballanqaaday in ay dawlad ahaan lagu dedaali doono horumarinta xabsiyadda iyo Ciidanka Asluubta, diyaarna ay u yihiin xalinta caqabadaha ka jira xabsiyadda.
Wasiirka iyo masuuliyiinta la socotay waxa ay warraysteen maxaabiista Xabsiga ku jirta, iyagoo sidoo kalena si toos ah u darsay xaaladsa maxaabiista xabsiga ku jirtaa ku nool yihiin.












