Xog-ururinta Nidaamka Goobaha Waxbarasho ee soo Saara Shaqalaha Caafimaadka

Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan Todobaadka Qormadeena koowaad waxa aynu ku soo qaadanaynaa kulan ay soo qaban qaabisay wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, kaasi oo lagu ansixinayay xog-ururin laga sameeyay nidaamka goobaha waxbarasho ee soo saara shaqalaha Caafimaadka ee qaybaha kala duwan.

Inta aynu ku jirno Qormadeen koowaad ee barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan waxa aynu kaga bogan doonaa wax yaabaha ugu muhiimsan ee lagu gorfeeyay kulankan, oo ay ugu waynaayeen sidii loo heli lahaa xirfadle caafimaad oo aqoontiisu dhisan tahay, si loo ilaaliyo caafiaamdka bulshada.

Haddaba Kulankan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka, qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyada Wasaaradda, Agaasimayasha cusbitaalada dalka, masuuliin kala duwan oo ka socota Hay’adda Wasaaradda kala shaqaynayay hawshan oo kala ahaa, Thet, WHO, kings Global Health Partnership, iyo Qatar Charity, qaar ka mid ah maamulka jaamacadaha bixiya Takhasusaadka kala duwan ee caafimaadka iyo Khuburo caafimaad.

Kulankan ayaa lagu gorfayn doonaa xog-ururin laga sameeyey goobaha waxbarasho ee soo saara takhasusaadka kala duwan ee caafimaadka iyo sidii loo heli lahaa hanaan dhamaystiran oo loo maro, soo saarista xirfadlayaasha caafimaadka ee dalkeena usoo baxaya.

Masuuliinta ka soo qayb galay kulankan oo hadalo kala duwan ka jeediyay kulanka ayaa si qoto-dheer uga waramay siday lagama maarmaanka u tahay in la helo hanaan dhamaystiran isla markaana leh habraacyo loo maro, soo saarista xirfadlayaasha iyo takhasusaadka caafimaadka ee kala duwan ee usoo baxaya dalkeena.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka JSL DR.Maxamed Cabdi Xergeeye oo dhankiisa ka waramay siday wasaaradda horumarinta caafimaadka oo qaranka uga masuul ah wixii caafimaadka ah, ay ugu hawlan tahay soo saarista hanan dhamaystiran oo loo marayo soo saarista xirfadlayaasha caafimaadka ee dalkeena usoo baxaya, iyadoo kaashanaysa hay’addaha kala duwan ee la shaqeeya iyo goobaha waxbarasho ee bixiya aqoonta la xidhiidha caafimaadka.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com