๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‡๐š๐›-๐Ÿ๐ข๐ค๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ญ๐จ๐จ๐ฅ๐ฆ๐จ๐จ๐ง (๐‘ฉ๐’–๐’Š๐’๐’…๐’Š๐’๐’ˆ ๐’„๐’“๐’Š๐’•๐’Š๐’„๐’‚๐’ ๐’•๐’‰๐’Š๐’๐’Œ๐’Š๐’๐’ˆ) W/Q(Dr-Abdikarim Dr- Hassan)

๐˜”๐˜ข๐˜ด๐˜ฌ๐˜ข๐˜น๐˜ฅ๐˜ข๐˜ข๐˜ฅ๐˜ถ ๐˜บ๐˜ข๐˜บ ๐˜ฏ๐˜ฐ๐˜ฒ๐˜ฐ๐˜ฏ

๐˜ฎ๐˜ข๐˜ฒ๐˜ข๐˜ญ ๐˜ญ๐˜ข๐˜จ๐˜ถ๐˜ญ๐˜ข ๐˜ญ๐˜ฆ๐˜ฆ๐˜บ๐˜ข๐˜ฉ๐˜ข๐˜บ.

๐˜ ๐˜ข๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ต๐˜ฐ๐˜ฃ๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ฎ๐˜ถ๐˜ง๐˜ต๐˜ข๐˜ข๐˜น ๐˜ช๐˜บ๐˜ฐ

๐˜“๐˜ข๐˜จ๐˜ถ ๐˜ง๐˜ถ๐˜ณ๐˜ข๐˜ฏ ๐˜ฎ๐˜ข๐˜ด๐˜ข๐˜ข๐˜ฃ๐˜ช๐˜ช๐˜ณ.

๐˜๐˜ฃ๐˜ณ๐˜ข๐˜ข๐˜ฉ๐˜ช๐˜ช๐˜ฎ ๐˜Ž๐˜ข๐˜ฅ๐˜ฉ๐˜ญ๐˜ฆ (๐˜ˆ๐˜๐˜œ๐˜•)

Qormadan waxay daba socotaa laba qormo oo aan mudo hore halkan ku baahiyay oo isla magacan sitay; waxaan qaybtan ku dulmari doonaa akhriska firfircoon iyo gorfaynta xogta

Marka aad gacanta kusoo dhigto Maqaal-cilmiyeed, kitaab ama il-aqooneed kale oo ku saabsan mowduuc qofku xiisaynayo in uu wax ka ogaado ama uu u adeegsado tixraac qoraal jaamacadeed, waa in uu dhowr arimood oo muhiim ah hubsado, fikrad fiicanna uga helo inta aanu bilaabin gorfaynta mawduuca iyo xigashadda tixraaca.

Baro Qoraaga: Inta aanad maqaal-cilmiyeed (research article) ama buug akhriyin, waxa habboon in aad barato oo taariikhdiisa, aragtiyihiisa siyaasadeed, bulsheed, diimeed iyo shaqooyinka uu soo qabtay, gaar ahaan buugta akhriska guud, dhaqaalaha, siyaasada, taariikhda, odorosida istiraatijiyada mustaqbalka iyo mowduucyada la xidhiidha. Sababtu waxa weeye, qoraagu waa xubinta ugu muhiimsan uguna saamaynta culus ee xogta aad akhriyayso qaabeeyay. Macluumaadka guud ee qoraagu soo bandhigayo waxa ku hoos dahsoon aragtiyo, dareeno iyo qiimayn ku wajahan mawduuca uu wax ka qoray, kuwaas oo si dedan garaad hoosaadkaaga ugu duxaaya. Habka uu u sawirayo duruufaha keenay qoraalkiisa, heerka dareen-caadifadeedka ee uu ku dahaadhayo xogta, qiil u raadinta Afkaarta, falsafada caqiidada ee uu taageersan yahay intuba waxay raad togan ama taban kaga taagaan maskaxda akhristaha.

Marka laga yimaado Jinsiyadiisa iyo heerkiisa aqooneed ee mowduuca uu wax ka qorayo, waxa lagama maarmaan ah in aad ogaato mabaadiโ€™diisa siyaasadeed (Political ideology and orientation): waa in aad ogaato dhinaca aragtiyihiisu u janjeedhaaan; Afkaarta bidixda (Liberalism), midig fog (far right), midigta cusub (Neo-conservative), Afkaarta yuhuudinimada xagjirka ah (Zionism), Kuwa ay madax martay Wadaninimadu (Nationalism) ama xarakooyinka kala duwan ee islaamka midd ka uu ka tirsan yahay. Waxa kale oo fiican in aad ogaato, hadii ay suuro-gal tahay, in uu u ololeeyo Ururo calami ah ama dowlada, tusaale ahaan israโ€™iil oo kale. Hadii qoraagu ka tirsan yahay xarun aqooneed ama mid-cilmibaadhiseed waa in aad ogaato waxa afkaarteedu tahay iyo cida maal-gelisa. Xogtan oo dhan si fudud ayaa loo heli karaa, hadaad si fiican u daba gasho waxaad ka ururin kartaa internetka.

๐‘ด๐‘จ ๐‘ฐ๐’”๐’Œ๐’– ๐‘ฏ๐’‚๐’๐’‚๐’š๐’ ๐’Œ๐’‚๐’“๐’•๐’‚๐’‚ ๐’™๐’๐’ˆ๐’•๐’‚

Arimahaa aynu soo xusnay waxay muuqaal fiican kaa siinayaan halka dooda qoraagu ku aroorayso, aasaaska uu ka duulayo iyo fariinta uu isku qanciyo. haddii aan intaa ku dhaafno barashada qoraaga, waxaad si guud u eegaysaa xogta uu soo bandhigayo, oo ay tahay in aad dhowr suโ€™aalood iska waydiiso. Kow, xogtu ma mid qoraagu hindisay oo bilow ah baa mise waa mid uu soo xigtay oo uu dood cusub ku dul-dhisay?. Hadii ay tahay mid cusub oo uu isagu abqaalay, waa maxay daliilka uu ku saleeyay doodiisu? Ma waxa uu adeegsaday tijaabin mise dhugasho-guud (experiment or observation). Majiraan cido kale oo mowduucan wax ka qortay, hala aragti noqdeen qoraaga ama haka soo horjeedeene?. Maxaa qoraaga ku dhiiri geliyay in uu buugan ama xogtan qoro oo inala wadaago. Miyay jirtaa maal-gelin hore loo lasiiyahay ama macaash danbe oo uu ka rajaynayo wax soo saarkan.

๐‘ฒ๐’๐’“ ๐’– ๐’’๐’‚๐’‚๐’… ๐’™๐’Š๐’“๐’‡๐’‚๐’…๐’…๐’‚ ๐’‚๐’Œ๐’‰๐’“๐’Š๐’”๐’Œ๐’‚

Marka aad bilowdo akhriska qoraalka waxa fiican in aad noqoto akhriye soo jeeda oo hadaf leh (active and purposeful reader), akhris guud oo aad ku ogaanayso qodobada ugu waawayn goraalka ayaa fiican inaad ku bilowdo (skimming and scanning), kadibna akhris degan oo aad ku dhuuxayso nuxurka qoraalka. Intaasi waa isu diyarintii iyo balaysinkii hore, hasayeeshee, marka aad u dhaadhacdo akhriska waxaad u baahan tahay in aad xogta shiisho, kala hufto oo aad naqdido.

๐‘ซ๐’‰๐’–๐’ˆ ๐’– ๐’š๐’†๐’†๐’๐’ ๐’๐’–๐’™๐’–๐’“๐’Œ๐’‚ ๐’‚๐’‡๐’Œ๐’‚๐’‚๐’“๐’•๐’‚

U feejignow xayn-daabka qeexitaanadda. Tusaale ahaan u fiirso weedha ah โ€œXuriyada fikir-cabirku waa muqadas,โ€ kadib iswaydii waa maxay qeexida ereyga muqadas. Erey-bixino badan ayaa qeexitaano kala duwan yeesha iyadoo la eegayo aydhiyoolajiyadda cidda ereyga adeegsanaysa. Ma ha in qofku qeexitaannada iska liqo ee waa inuu u eego inay qiyamkiisa waafaqsan yihiin iyo in kale. Ha ku deg degin in aad aragtiyo kama danbays ah kala soo baxdo oo aad ku qanacdo daliil keli ah, iyadoo aanad mowduuca dhinacyo kale ka eegin. Waxa dhacda in qof hal kitaab ama hal maqaal akhriyo kadib uu moodo in xaqiiqadiiba intaa ku dhantahay. Waxa aqoontu tahay in maskax furan iyo kal-shaki leh (skeptical mind) aad ku akhrido xogta iyo in aanad ku kaaftoomin hal masdar.

Sidoo kale, waa in aad kala barato sida xog-cilmiyeed (scientific evidence) u kula sareeyaan una kala miisaan culus yihiin. Sababtu waxay tahay maalin kasta waxaa la maqlaa cilmi-baadhis ayaa sidan sheegtay iyo cilmi-baadhis ayaa sidaa arin cusub daboolka ka qaaday. Laakiin xaqiiqadu waxa weeye aqlabiyada cilmi-baadhisaha warbaahinta ku jiraa waxay ku salaysan yihiin malaโ€™awaal. Sidaa darteed, waa in aad taqaano astaamaha daraasadaha miisaanka culus ee lagu kalsoonaan karo iyo kuwa daciifka ah. aragti aqooneedyada cilmi-baadheyaashu hindisaan waxa si wayn u qaabeeya degaanka iyo duruufaha cilmi-baadhaha, sidoo kale, garaadka dadku waa shay kakan oo ay adag tahay in fudayd loo fahmo, taas ayaa keenta in aragti deegaan reer galbeed ku dhalatay, duruufo reer galbeed qaabeeyeen ay adkaato in lagu dhaqo dad muslim ah oo duruufo u gaar ah le. Dadka isku daya in ay fudayd sadaan min-guurinta aragtida degel kale ku hanaqaaday, waxay ku dhacaan il-duuf aqooneed iyo mid bulsho (social and intellectual mistakes). Afkaarta aad akhridaa xataa hadaad ka mabsuudo, iswaydii qabatimi kartaa deegaankayga iyo duruuftayda. Qodobadaasi aynu soo sheegnay waxay tusaale yaal u yihiin masalooyinka ay tahay in akhriyuhu garaadkiisa kusoo xaadiriyo marka uu daalacanayo kitaab, cilmi-baadhis iyo wixii la mid ah.

Published initially in 2019 with some modificaitons

 

 

Bandhige@gmail.com