Kacdoonka ardayda jaamacadaha Maraykan! W/Q(Sheekhrakuub)

Gudaha Maraykan siddeed iyo konton jaamacadood ayey gaadhay tirada joojiyey waxbarashada oo dhigaya muddaharaadaya in la joojiyo xasuuqa shacabka Falastiin. Waxay ku baqayaan in dawladda Maraykanku joojiso kaalmada ay siiso Israel, waxa kale oo ay leeyihiin kaalmaha laga qaado ardayda yaan lagu taageerin dagaalkan.

Kacdoonkan ayaa tirada jaamaacadaha ku soo biirayaa maalin kasta sii kordhayaan iyadoo saadaashu leedahay wuxu u eegyey kacdoonkii ardaydu dhigtay 1978-kii iyagoo madaxweyne Nixon ka dalbanayey inuu joojiyo dagaalkii uu Vietnam ku qaaday oo ciidamo badani kaga la’deen.

Intii uu socday kacdoonkani arday badan ayaa la xidhay, macallimiin badan oo taageerayna waxa la galiyey (black list)-khaanad madow oo ah in aanay helin dalacsiin iyo in aan buugtooda la daabicin. Inkasta oo maxkamaduhu amar ku bixiyeen in ardayda la sii daayo haddana qaarkood in la daba-galo ayaa suurtagal ah.

Xilligii Nixon waxa jiray dadyow la dabagalay oo lagu haystay in ay kacdoonnada horkacayeen, inkastoo ganaaxyo culus la saaray haddana waxa ay ka faa’ideen inay magac iyo maamus helaan sida feedhyahankii Maxamed Cali Kallaay iyo MalcomX.

Khubarro dhaqaallayahanno ah oo muddahaaryadan ka hadlay waxa ay leeyihiin: dagaalkani marka Maraykan la joogo waa mid dhaqaale ee maaha mid siyaasiya. Dagaalkan bariga dhexe waxa shidaya saraakiil hawlgabyo ah oo warshadaha hubka sameeya leh, kuwaas oo suuqweyn ka helaya dagaalkan. Iyagaa shiidaaliya in dagaalladu sii huraan oo aanay damin, siyaasiyiintana iyagaa ku dabajira.

Isku soo duuboo kacdoonkan Maraykan ka bilaabmay ayaa la saadaalinayaa inu gaadho waddamo badan oo Yurub ah, halkaas oo xalkiisu noqon doono in ardaydu waddamadooda ku khasbaan inay taageerada milateri, dhaqaale, diblumaasiyadeed iyo afba joojiyaan, waxa se is waydiin mudan halkay joogaan ardaydii muslimiiinta ee deriska dhow la ahaa iyo kuwii dhawoqooda la maqlayey?

 

 

Bandhige@gmail.com