20-ka Febraury: Maalin Dhiidhi Dhallinyaro iyo Kacdoon Dadweyne! Q.4aad (WQ: Maxamed Baashe Xaaji Xasan)

“Taariikhdu waynoo musbaax maanka caawima
Adoo male gudaayaad yaqiin marar ku gaadhaa
Makaankaaga waa inaad taqaan meelba waxa yaal”.
Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc), 1968, AHN.

Anigu dugsigayga Faarax Oomaar oo maxkamadda u dhowaa, ayaan qaabbilsanaa. Dharkii Balcadda ahaa (shaadh cad oo gacmo gaab ah iyo surwaal kaaki ah oo lugo dheere ah) ma aannu qaadan subaxdaas intayadii xalayto wax wada gorfaynaysey.
Maxkamadda ayaannu ku waaberiisanney. Si xoog ah ayaa loogu soo gurmayey maxkamadda markii salaadda subax la tukadey ba. 9:00 subaxnimo maxkamadda iyo agagaarkeeda ushii cirkaas loo tuuraa dhulka kuma aanay dhacayn.

Dadweyne kala duwan oo dumar iyo dhallinyaro u badnaa ayaa arlada ba haystey oo maxkamadda ku gabranaa. Si muuqataa loo dareemayey in dadka goobta tuuran ay dumar iyo carruuri hadhaynayaan. Nin cirro ka muuqataa ma soo kallahin ama meesha ba wuu ku yaraa!

Kacdoonkii Ardayda

Nusasaacaha (Nasashada) ugu horraysa aroortii xilliga loo baxo, ayaannu diyaar ku wada ahayn dugsiyada hortooda meelaha ardaydu ka nusasaacayso, si ardaydu marka ay fasallada ka soo baxaan dhinaca maxkamadda loogu soo hago. Wacaasha iyo waayaha Hargeysi ku waaberiisatey saaka ardaydu way ku wada baraarugsanaayeen oo ma adkayn in ficilo la horqaadaa. Kubbadda hor taalla in la laado, ayuun bay ku sinnayd in ciyaartu haloosi u bilaabanto.

Reer Faarax Oomaar waxa ay isku duubni ugu nusasaace tageen dhankii maxkamadda. Xitaa intii ka maagaysey ee dabada yar giijinaysey waxa jiitey mawjaddii ardayeed ee sida daadka u qulqulaysey.

Ardaydii dugsiga 26-ka Juun ayaa iyana soo dhaadhacay oo maxkamadda shafka soo saaray. Waxa la isku soo wada gadaamey maxkamaddii. shaadhadhkii cadcaddaa iyo surwaalladii kaakiga ahaa ee ardayda, ayaa si mug iyo macno leh uga dhex muuqday oo hadheeyey dadkii maxkamadda horteeda sidii kaarbedka oo kale u goglanaa.

La soco Qaybta 5aad, HAI.