3 shuruudood oo uu Farmaajo ku iman kar Jamhuuriyadda Somaliland (WQ: Maxamed Cabdi Xasan “Diridhaba”)

Farmaajo 3  shuruudood  ayuunbu ku iman kara Jamhuuriyadda Somaliland

1) Inuu si bilaa shuruud ah oo aan waxba ku xidhnayn dawladdiisu u noqoto dawladdii ugu horeeysay ee aqoonsata madax banaanida iyo qaranimada Somaliland (unconditional offer for de jure nation to nation diplomatic, territorial and political recognition)

2) In mag dhaw maaliyadeed ay xukuumadiisu ka bixiso dhagartii xasuuqii 200 ee  kun ee qof lagu xasuuqay Somaliland intii u dhexaysay 1977 kii ilaa 1990 kii, qoys kastana la siiyo 1 malyuun oo dollar oo mag dhaw ah (to pay a full sum of compensation to the victims of the genocide comitted by the Somalia regime which Mr. Farmaajo succeeded that genocide was committed against the people of Somaliland between 1977 to 1991, that sum should be 1 million US dollar per family, for the 200 thousand families where their loved ones were brutally massacred)

3) In dhagar qabayaashii xasuuqa gaystay loo gudbiyo kiisaskooda maxkamadda danbiyada dagaalka ee Hague, kiiskoodana ay si wada jir ah u qoraan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya (to directly allege and judge for those massacrers and human butchers who are currently life, and to draft a Somaliland and Somalia bilateral legal case in regards these criminals and to submit to the International criminal court Hague)

Seddexda shuroodood ayey ku soo noqonaysa walaalnimaddii iyo isku soo dhawaanshahii ummadda Soomaliyeed gaar ahaana shucuubta reer Somaliland iyo Soomaaliya.

Seddexdaasi shuroodood oo Farmaajo aqbalo fuliyana ayuunba keeni karta inuu Hargeysa yimaado, oo aanu calleemo qoyan iyo buluug ahba ku soo dhawayn doona, 3 qodob midna tanaasul malaha wada xaajoodna ma gali karaan.

Intaanu fulin karin shurudaha, Farmaajo geeridiisa ayuunba Hargeysa kaga soo horaysa