Dhallinyaro: Sadex “Q” maka xorownaa, Shan “W” ma yeelnaa! (WQ: Mohamed A. Indha Yare)

Dhallinyaro: Sadex “Q” maka xorownaa, Shan “W” ma yeelnaa!

Xanuun badan iyo rejo la’aan ayaad dareemaysaa markaad aragto nin kugu guumeysanaya wadanka iyo dadkaanu usoo halganay “Shame on you”.

Sadex “Q” ka xorooba si aad u yeelataan mustaqbalka:

1. QAYLO-WADAAD: markuu woxogaa doonayo wuu inagu awr kacsanayo wuu qarxaa markuu woxogaaga soo qaatana nabad uu iibsaday buu ka sheekeeyaa iyo reerku waa meel.

2. QAYBSANAAN: waar dhallinyaroo waa markeeniiye yaan la idinku guumaysan reer hebel baynu nahay hebel baana ina matala ee aynu yeelo hal mawqif oo mustaqbalkeena damaanad qaada.

3. QABYAALAD: inaynu reero kasoo jeedno maaha mid la dafiri karo laakiinse inaynu reero u dulmanaano ayaa ah midda ina dishay. waxaynu leenahay awood, aqoon, hanti iyo xirfad aynu ku midoobi karno.

Shan “W” ayaa inoo balana:

1. WADA TASHI: odayaashu markay dantooda timaado wey tashadaan wixii dantooda ahna wey yeelaan laakiinse inaga danteena kama wada tashano ee weynu isku khilaafsanahay. maya taasina caqli iyo garasho maaha ee talo inoo sameeya.

2. WADAJIR: in qofka aynu calaamadsanaa inoo noqdo madax ayaa inoo balana hadii kalena aynu diidno inaynu ka qayb qaadano nidaamka la dhisayo, taasi waxay meel wanaagsan dhiggi doontaa mustaqbalkeena.

3. WAX-QABSI: dhallinyaroo halka aynu deggnahay oo wadankeenii ah 60 sano ee soo socda waa gogosha aynu ku seexanaynay markaa waa inaynu si wadajira wax u wada qabsanaa.

4. WADANIYAD: hadii ay fooqaq ku leeyihiin odayaasha ina hortaagan maaha macnuhu iyagaa leh hantida dhabta laakiinse hantida dhabtii waa mustaqbalka markaa waa inaynu taasi ogaana wadankana ka dhignaa gurigeenii.

5. WEHEL: danteena oo aynu garabka isku saarnaa wehelnimo iyo isku hiilin weeyi.

Mohamed A. Indha Yare