Falanqayn sharci: Go’aanka gudida joogtadda ee Golaha wakiiladda (WQ: Ahmed Nour Guruje)

Golaha wakiiladdu kalsooni ansixineed ma siiyo axsaabta siyaasadda , sidaa darteed kalsooni kalama noqon karro , kalsooni wuxuun baa lagala noqdii cidii aad kalsooni siiso ee kalsoonidaada ku shaqaysa.

Golaha wakiiladdu wuxuu xaq u leeyahay in uu xisbi ahaan u dacweeo xisbigga ucid kana dacweeyo gudida ururadda hassa yeeshee in isaggu dacwoodo hadana isagu go aano soo saaro xaq uma laha , maxaa yeeley cidina dacwoode iyo Garsoore isku mar ma noqon karto.

Faisal waxaa loo dacwayn karaa qof ahaan , isaguna wuxuu isu difaaci karaa qof ahaan , hadii xeer ilaalintu dacwad kusoo oogtana waxaa garta qaadi karta maxkamadda awooda u leh ee lagga dacweeyo.

Arrimahaas oo dhan marka la isu geeyana go’aanka gudidada joogtada ah ee golaha wakiiladdu soo saaray maaha mid leh fulin sharci ama fulitaan sharci ka dhalan karro , sidaa darteed waxaa la odhan karaa waa hordhac khilaaf cusub oo ka dhex qarxa golaha wakiiladda iyo xisbigga ucid.