Farsamo xumo iyo tabcaanimo haysta wasaarada caafimaadka (WQ: Barkhad Maxamed Cumar)

Halka qof ee uu saaka agaasimuhu sheegay isagoo cudurka qabo ayaa dhakhtarka weyn la keenay oo uu halkaasi ku geeriyooday, iyadoo ahayd in la dhigoo dhakhtarkii loogu tallogallay ee Daryeel.
Sadexdan Hargeysa ku geeriyooday hal qof oo dhakhtarka Daryeel ku geeriyooday mooyee inta kale dhakhtarka weyn bay ku geeriyoodeen .

Waxa jira dad dhakhtarka weyn maalmo yaalay oo laga helay cudurka, kuwaas oo khatar galin kara dadkii jooga cisbitaalka, kuwii u shaqaynayey iyo dadkii soo booqanaey.
Saaka waxaan tagay dhakhtarka weyn aad buu u dad badnaa, meel walbana dad badan baa tubnaa waxaanu u eekaa sidi suuqa oo kale, taasina naftaydiii waxay ku abuurtay warwar iyo maxa ku soo galiyey waayo dadku cidhiidhi bay isku dhaafayeen.
Arrimaha dhacaya waa tamar darada wasaarada iyo guddida haysata, qof kasta oo xanuunsada waxa la keenay qolka degdeg ah ee cisbitaalka weyn, iyadoo ahayd in marka kowaad laga baadho cudurka covid19 si dad booqanaya iyo kuwo sida u badbaadaan.
Hadii awal caafimaad loo doonan jiray cisbitaalada hadda waa halka laga soo qaadayo ee sabab la’aan ha u booqanina cisbitaaladda hadii halis naftaada halis baad galinaysa ama waad ku khamaaraysa.