Guudmarka Buugga ” How to win friends and influence people” (WQ: Cabdiraxmaan Xuseen

Buugga; How to win friends and influence people, waxa qoray Dale Carnegie muddo laga joogo 83-sano oo ku beegan 1936-kii. Dhiganahani waxa uu ku saabsan yahay; Sida saaxiibo loo kasbado, isla jeerkaasna loo saameeyo (Influencing). Waa buuggta ugu waawayn, uguna tayada badan ee laga qoray arrimaha horumarinta aadamaha, siiba kuwooda loogu jecel yahay aduun-weynaha.

Akhriska dhigaalkan Saddex qodob oo muhiim ah ayaan ka faa’iiday;

1) Qiime (Value) dareensii dadka aad la macaamilayso, kuwa aad is taqaanaan iyo kuwa aydaan is aqooninba; Qofku waxa uu jecel yahay inuu la socdo oo weheshado qofka iyo qofafka qiime dareensiiya. Waxana fudud sida uu qofkaasi dareen ahaan isu kaa siiyo marka aad u muujiso qiimayn aad u weyn. Aadamaha badankiisu in la qiimeeyo oo la muuneeyo waa ay jecel yihiin waana talaabo qofka joogteeya u ogolaanaysa inuu dadka saamayn baahsan ku yeesho, agtiisana aan laga dheeraan.

2) Dadka iyaga xooga saar; Macnaha qofka kolka aad la xidhiidhayso inta badan qofkaas arrimihiisa ka warayso, su’aalo weydii, la kaftan si fog xog uga raadi, waa talaabo qofka furfuraysa oo uu godlanayo. Dadku ma jecla qofka isagu iska hadla marwalba, balse aan iyagana ka waraysan arrimaha noloshooda. Sidaa awgeed intii aad adigu iska hadli lahayd in badan, wakhti geli inaad qofka kale carriso, kedibna wax badan oo qof ahaan iyo nolol ahaan ku saabsan ka waraysato, qofku wuu kuu dararayaa, waxana uu ku siinaya wax badan oo kalsooni, aadminaad iyo ixtiraam ah. Waana arrimo wanaagsan oo suuragelinaya in xidhiidhkiinu wanaagsanaado qofkaas.

3) Qof walba magaciisa ugu yeedh; Dadyowgu sharfid iyo maamuus gaar ah ayey dareemaan kolka magacyadooda loogu yeedho, xitaa haddii aad qofkaas mar keliya is aragteen, ku dadaal inaad magaciisa/magaceeda xasuusnaato, dabadeedna aad marar badan ugu yeedho ama hadalkiina ku bilowdo.

“Buuggan qodobada wanaagsan, isla markaana waxtarka leh ee ku qorani intan uun maaha, balse Cabdiraxmaan ahaan intan ayaa ah inaha aad ii taabtay ee aana rabbo Idanka Alle inaan dhaqan geliyo. Waxaan rejeynayaa inaad adna faa’iiday. Ku mahadsanid muddada aad qoraalkan akhriyeysey. Waxaan kuu soo jeedinaya inaad ku dadaasho akhrinta buuggan, kalana baxdo qodobo ku anfacaya si noloshaada bulsho u hagaagto, Guulayso.

 

W/Q: Cabdiraxmaan Xuseen