Ha isku Ciilin codkaaga (WQ: Muktar Xasan Axmed)

Waxa dhagaheena aad ugu batay oo inagu soo noqnoqday dhibta ka dhalata daadadka ama fatahaadaha,  waa dhacdooyin sanadle ah oo ka dhaca gobol ama dal. Daadadku waa masiibo dabiici ah oo la mida ah dhulgariirka, duufaannada  iyo tsunamis. Ilbaxnimooyin badan oo waaweyn ayey daadadku Mahalakeeyeen. Daadku waa biyo aad u tiro badan oo ka soo butaaca biyo qabatinnada  sida wabiyada, harooyinka ama badaha. Marka roobab culusi da’aan biyo badan ayaa ka soo daaddega buuraha,webiyada iyo badaha, Badnaanshaha biyahaas awgood waxa ka dhalata inay ku dhacaan biyo ka badan muga qabatinkooda, taasoo sababta daadad ku soo rogmada Magaalooyinka, kuwaaso hadii aanay lahayn marin biyoodyo si habsami leh u xakameeya oo fududeeya qulqulka biyaahas badan ay ka dhalan karto khasaare ba’an oo naf iyo maalba leh.

Meelo badan oo dadku ku badan yihiin waxa ugu weyn ee keena fatahaadaha waa maaraynta Khaldan ee nidaamka qulqulka biyaha, bullaacadaha iyo waxyaabaha balaastigga ah sida bacaha, caagadaha  ee dul heehaabaya bullaacadaha dushooda, kuwaasoo isku gudba oo xidha afafka marinada biyaha inta lagu jiro wakhtiyada roobabka culusi ka da’ayaan magaalooyinka.

Marinada Biyaha wadooyinka iyo bullaacadaha magaalooyinku waxay yareeyaan qulqulka xooga daadka dulmaraya dhulka dushiisa si ay u gaadhaan durdurrada iyo webiyada.

Daadadku saameyn badan ayey ku leeyihiin Qaybaha kala duwan ee deegaanka. Waxay waxyeeleeyaan  hantida waxayna khatar gelineyaan nolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan, Sidoo kale waxay sababaan nabaad-guurka carrada iyo baro bixinta  kalluunka iyo duurjoogta.Maareyn La’aanta Daadadka daba dheeraadaa waxay dib u dhigi karaan isu socodka Bulsho meelaha aan lahayn Biriishyada.

Habab badan oo cilmiyaysan ayaa loo maareeyaa daadadka sida biyo xidheennada, Marinada Weecinta, iyo sidoo kale Dhiraynta. Biyo xidheennada iyo kaydadkoodaba  waxaa loogu talagalay inay gacan ka geystaan ​​ka hortagga iyo xakamaynta daadadka. Dhirta ayaa sidoo kale gacan ka geysata sidii carrada looga ilaalin lahaa nabaad guurka inta daadadku socdaan.

Magaaleyntu guud ahaan waxay kordhisaa khatarta daadadka hadii aan si cilmiyeysan loo maamulin. Waxaynu ognahay in sanad walba daadadku ay geystaan ​​khasaaro naf iyo maalba leh.

Daadku waa masiibo dabiici ah laakiin waxaa lagu xallin karaa iyadoo la qorsheeyo habab cilmi iyo caqli ku dhisan.

Guud ahaan gayiga Somaliland waxa si nabdoon ugu socda Bandhigyada loogu ololaynayo Musharaxiinta u tartamaya Golayaasha degaanka iyo wakiilada, bulsho ahaan waxaynu ka dheregsanahay dhibaatooyinka ba’an ee todobaadyadii ugu dambeeyay ay dhaliyeen Daadadku, hadaba si aynu uga gaashaamano oo aynu uga gamano dhibkaas waxa waajib inagu ah inaynu codkeenna ugu deeqno Musharaxa Aynu ku tuhmayno inuu wax ka qaban karo baahiyaaheena.

Xaqiiqada jirta ayaa ah in halkaas uu ina dhigay nin jeclaysi iyo qaraabo kiil

Wa Bilaahi Towfiiq

Muktar Xasan Axmed

Berbera, Somaliland