Iiddoor iyo Afweyne (WQ: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”)

In badan ayaa dadka lagu dhego barjeeyay ‘halgan’ kii iyo sooyaalkii jabhaddii SNM (Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed). Waxa lagu celceliyaa, oo badi ba Soomaalilaan intii ay jirtey Cigaal debadii laga dhigtay khidaab iyo hadal tiro siyaasadeed oo shacabka lagu beerlaxawsado. Ina Cigaal aad buu u necbaa jabhaddaas, iyo wixii xukunkii Ina Siyaad qori u qaatay oo dhan. Waxaa la sheegaa in aanay is fahmi jirin, oo halka Isaaqa badankiis uu jeclaa raggii soo jabhadeeyay, isagu wuxuu jeclaa oo ka ag dhawaan jirey raggii aan jabhadeyn ee Afweyne aan waxna u dhimin, waxna tarin. Wax u dhimin oo aan maalinna hadal uu dhibsado ku odhan, qori hadalkiis ba daaye, ama aan wax tarin oo jabhadna ka celin, shacabna diiddanna ka celin. In habraha iyo duqeyda dib loo danqo boogaha bogsaday, dhallaankana lagu beero naxli iyo ciil ay la koraan. Siyaasigu kolley isaga dantiisu waa iska koobantahay, oo waa in uu kursi iyo mansab ku baadho, balse dhallaanka iyo waayeelka waa waran sidii oofta oo kale ugu taagnaanaya uun.

Kolkii uu Maxamed Siyaad talada Soomaaliya xoogga millateri kula wareegay, saraakiishii la boobtay xukunku qabiil wal ba waa ay lahaayeen; Dir ahaa, Daarood ahaa, Hawiye ahaa, Gabooye iyo Carab-Soomaali ahaa ba. Odaygu kal hore ayuu ba halkaas saami-qeybsiga iska toosiyay, si aan dhaliil ugu iman inta uu wado qorshihiisa. Xilligaas (1969), oo dadka aanay weli maankooda ka bixin doorashadii Maarij 1969-kii ee loo bixiyay “Foodqasaare”, waxa taliyaha ciidanka millateriga haystay Afweyne. Waxa la soo tebiyaa in uu dhawr jeer hadallo laga dareemi karo, ama toos ah ba uu Cigaal ugu gooddiyay; in haddii ay xukuumadda rayidku waddanka toosin waydo ay ciidanku shaqadooda qabsan doonaan. Warkaasi run ahaayaa, ama sheeka-xariiro ahaayaa ba, waa kii kaga dhabeeyay. Horteed afgembiga, waxa lagu been hawaasay in uu raiisalwasaare Cigaal u tagey madaxweyne Cabdirashiid, kana codsaday in uu u oggolaado in Afweyne laga wareejiyo taliyaha guud ee ciidanka. Cigaal, isaga oo raiisalwasaaraha waddanka ba ah, sababma ayuu madaxweyne aan awoodo badan lahayn uga codsaday xil ka qaadista jananka guud, haddii aanay ka ahayn talo? Sababtu waa in Cigaal iyo Sharma’arke ay heshiis ku wada galeen (1967) in Cigaal uu ka taliyo qeybta Waqooyi ee waddanka, laakiin hawlaha Harti Waqooyi (Dhulbahanate iyo Warsangeli) uu ka tala geliyo, inta aannu go’aan kama dambeys ah gaadhin. Taa beddelkeeda na, Sharma’arke uu ka taliyo qeybta Koonfureed ee waddanka, laakiin hawlaha Hawiye iyo Dirta Koonfureed laga tala geliyo Cigaal, inta aan Sharma’arke go’aan ka gaadhin.

Heshiis hoosaadka hagbaddu sidaas baa uu ahaa, ee doorashadana lagu galey. Sidaas darteed, Cigaal xilka kama xayuubin kareyn si buuxda wiil Daarood ah oo ay Sharma’arke is xigaan, waa ta labaad e, Marreexaan ah, oo Daaroodkii berigaa agoon siyaasadeed ka dhex ahaa, wax badanna la dhex joogin Soomaaliya guud ahaan. Inta aan Cabdirashiid C. Sharma’arke ka falcelin codsigii Cigaal, ayaa waxa la soo tebiyaa in odayaal Daarood ah uu soo abaabulay Maxamed Siyaad, si aan Sharma’arke u fulin codsiga Ina Cigaal ee Afweyne xilka loo ga xayuubinayo. Guud ahaanteed, Cabdirashiid, Soomaali waa isla qirsaneyd in uu ahaa madaxweyne gobannimo badnaa, xariir ahaa, oo qalbigiisu ka saafisanaa siyaasiyiintii Soomaaliyeed ee xilka isku haysay waayadaas. Laakiin, Cabdirashiid, odayaashii boog culus oo dhaqanka qabiilka ah bay taabteen; oo ahayd in aannu Afweyne ka qaadin xilka, waa mid e, waa Marreexaan oo waxay u arki in Majeerteen bilaabay shuqulkii iyo xinkii ay u hayeen Sade Daarood, marna waa in Siyaad yahay wiilka keli ah ee ka muuqda beeshiisa. Kolkaa, waxba ka dhibi maayee in xilka loo daayo, Cigaalna uusan u maqal.

Cabdirashiid waa qaatay taladii odayada. Cigaal na uma oggolaan in uu xilka ka qaado Maxamed Siyaad. Sidii baa na loogu daayay xukunka. Oktoobar 15, 1969-kii waa tii madaxweyne Sharma’arke lagu diley Laascaanood. Maxaa loo diley? Yaa diley? Yaa ka masuul ah? Afweyne miyaa diley? Maxamed Abshir miyaa diley? Cabdirasaaq Xaaji Xuseen miyaa diley? Cigaal miyaa diley? Xaaji Muuse Boqor miyaa diley? Su’aalahaas oo dhan si cad oo la hubo looga ma warcelin karo. Wixii la ga yidhaa waa oddoros iyo tuhun is biirsaday uun. Waxa se la isla waafaqsanyahay siyaasad-qabiil ahaan iyo sooyaal ahaan ba, in Cabdirashiid aannu ugu lisin Daarood sidii ay rabeen. Cigaal iyo Iiddoor na ka raacay, tolkiina ku kufriyay. Dhinac kale ayaan ka eegi karnaa oo ah in Cabdirashiid kala jeclayn Isaaq, Hawiye iyo Daarood, sidoo kale na ay ku yareyd ama uusan lahayn xinkii iyo damacii faraha badnaa ee lagu yaqaannay Maxamuud Saleebaan, ama Majeerteen (ama guud ahaan Daarood ba), laakiin ka fogaanshaha qabyaaladda faraha badan iyo Cigaal oo sida bariiska u walaaqan jirey ay is heleen.

Safarkii uu Cabdirashiid ku marayay gobollada waddanka qaarkiis ee lagu dili doono, sida: Hargeysa, Burco, Laascaanood, Boosaaso, Caluula, iqk. Deegaanka Caluula oo ay degto jifada Siwaaqroon (Majeerteen) ayaa uu kula kulmay odayaal Siwaaqroon ah oo xukuumadda wax ka tabanayay; eed sheegasho iyo waxqabad la’aan ba iskugu jira, laakiin waxa la soo tebiyaa in madaxweyne Sharma’arke war iyo fal ay ku qancaan ba aysan ka arag, uuna u tilmaamay in uu codsigooda u gudbin doono wasiirka arrimaha gudaha. Masaa nin la odhan jirey Xasan Maxamed Cawad oo dadkii deegaanka ah, ayaa gabay yu’asho iyo habaar ah u tiriyay madaxweynaha, wuxuuna yiri:

–         Run Ilaah Rashiidoow ma tihid kii Ilaah Rabaye

–         Soomaali baad kala rartay oo reer ba meel degaye

–         Rafaad noqotay dunidii markii Ray lagaa dhigaye

–         Kol haddaan Ra’iis sida Jamaal laguu raacaynin

–         Rucbi kugu dhaca iyo cudur xun oo raarta kula jiifa

–         Ruush iyo midaan lagu daweyn Rooma iyo Kiiniya

–         Kursigoo kula ruxdiyo ciidankoo talada kaa riixda

–         Rabbi waxaan baryaaya inaadan raagin oo jirine

Dilka madaxweynaha sannad ka hor (1968) ayaa uu ka badbaaday qarax lagu la eegtay gegida dayuuradaha ee Aadan-Cadde. Tixdan sare, nuxnuxda iyo sheekooyinka Cigaal iyo Afweyne, iyo qaraxaas hore ba, waxa ay muujin karaan in dilka madaxweynuhu ahaa wax iska shaacsane ah, shacab iyo madax ba. In Afweyne iyo kooxdiisu ka dambeysay, in Majeerteen ka dambeeyay, in Daarood u dhammaa, ama in Soofiyeetkii gacan ku lahaa, waa warar taariikhyahannadu ku doodaan. Isku soo wada duuboo, Cabdirashiid waxa aynnu odhan karaa saddex sababood ba waa maangal in loo diley: in aano ahaan loo diley sida la faafiyay, in Majeerteen iyo Daarood salluugeen, iyo in Kacaanka oo gacan ka helaya Soofiyeetka uu is dhaafiyay, maaddaama Cigaal xidhiidh wanaagsan la sameeyay Galbeedka iyo xulafadooda.

Ina Cigaal kolkii waxani dhacayeen ee madaxweynaha dilkiisa la qorshaynayay, Laascaanood la keenay, la abaabulay, la diley, isagu baddaas ma hayn ee Maraykan buu fasax iyo faakihaysi u joogay. Habacsanaanta iyo jilicsanaanta xukunkiisa na waa waxyaabaha horseeday in waddanka lix maalmood ka dib waddanka la inqilaabo. Waxan kursiga la yidhaa, Soomaali, kolkii ay xorriyadda qaadatay ba waxa ay ku sifeysay sidii ‘Geel’ oo kale. Geel na waa la dhaqdaa, la soo dhacaa, la dhiciyaa oo la kala dhacaa. Nin Geel ab u leh in uusan Cigaal ahaynna, Soomaali waa ogeyd. Abtiyadii na dhaqankoodii ma yeelan. Kolkaa Afweyna na, waxa uu si toos ah u dhabeeyay gabaygii uu tiriyay abtigii Maxamuud Cali Beenaley ee ahaa “Idahaaga dhaqo ninkii Geel ab u lahaa raacye.”

Maxamed Siyaad judhii uu xukunka boobay ba, Isaaq waa u roonaaday. Wixii xil iyo masab ahaa na u badi, oo iska hagaaji dhankooda. Laakiin, afartii nin ee Isaaq ee la socday kolkuu xukunka boobay, mid ayaa uu naftiisa uga shakiyay in uusan aamin lahayn, ama dhagar loo maleegay lagu khaarijiyo, waa Maxamed Caynaanshe Guuleed, iyo mid Hawiye ah oo lagu qabtay afgembi, waa Salaad Gabeyre Kediye, iyo mid Daarood ah, oo waa Cabdulqaadir Dheel Cabdulle. Saddexdooda ba Julaay 03, 1972 ayaa dhegta dhiigga loo daray oo uu is dhaafiyay Afweyne. Intaa wixii ka dambeeyay wixii siyaasi rayid hore u ahaa na wax na xilal cusub baa loo magacaabay, waxna waa la xidhay, jeel iyo xabsi guri ba.

 

Ciidan xooggan, hannaan hantiwadaag bidix ah, talisyo amni iyo dawladeed oo millateri ah buu dhistay. Ilaa uu ugu dambeyn dagaalkii 77 la galey Atoobbiya. Haddaba, dagaalkaas aan dhinac ka iftiiminno, ciidankii sida nafhurka ah u galey waxa u badnaa: Garxajis, Dhulbahante iyo Ogaadeen. Badi ba reerahani waxa ay u badnaayeen millatarigii Soomaaliya. Dhulbahante awal ba waxa uu u dhashay askarnimo jacaylka, iyo beerlaxawsigii ahaa Soomaali baa la xoreynayaa, Ogaadeen oo isagu isku qanciyay in carradiisa qeyb ka mid ah, se uu is wada siiyay loo xoreynayo, iyo Garxajiska ama Habar-Magaadlaha (Garxajis, Awal iyo Arab) oo dhul weyni kaga maqnaa Hawdka, oo aan illaa 1954-kii ka samrin. Shidaalkaas ay salka u tahay dareenku ayaa ay reerahaasi u galeen dagaalka iyo ciidanka. Taa beddelkeeda, Maxamed Siyaad, wuxuu dagaalka u galey, sababo aan dad badani dhaadsanayn oo ay ka mid ahaayeen: in uu kala yareeyo ciidanka faraha badan ee culayska ku haya, waddanka iyo isaga kursigiisa ba, iyo in haddii ay suuragasho la helo Soomaali-Galbeed oo uu dhul iyo kheyraad Soomaali niyadda ku haysay uu ka furto Atoobbiya, asaguna uu halkaas libin iyo dhul cusub ku helo oo xukunku ugu seeto dheeraado.

Sheeka-baraley hoose waxa ay sheegaysaa, in kolkii Kacaanku cusbaa ay Maxamed Siyaad ka dhammaan waayeen ergooyin u badan Ogaadeen iyo Garxajis; deedna uu si hoose ugu qanciyay in ay xoreynta Soomaali-Galbeed ka qeybqaataan, halkaana ay saami weyn oo ka fiican midka Jamhuuriyadda ka heli doonaan. Al-muhim waa tii lagu fashilmay dagaalkaas, ciidamadiina reero iyo kala afkaaro u kala jabeen. Afgembigii dhicisoobay waa tii Xamar la ga sameeyay hilaaddii 1978, oo saraakiil Majeerteen (Maxamuud Saleebaan) u badani isku dayeen in ay Afweyne talada kaga maroorsadaan. Walow afgembiga la rabey 1975 sida uu Cabdullaahi Yuusuf iyo ragg kale ba sheegeen, haddana talo ka timid dhinacyo badan Cabdullaahi Yuusuf iyo Col. Cirro xiisadda dagaalka ka dib ayay u dhigteen. Maaddaama oo xilligaas Soomaali u hiyi kacsaneyd xoreyntii Galbeed iyo colaadda Xabashida. Laakiin, dagaalkii ka dib, Majeerteenku ma sugin Marreexaanka kursiga isku qondhadhinaya, iyagana askarta ka dhigay ee yidhi xoreeya Ogaadeeniya.

Afgembigaasi kolkii uu fashilmay ee wixii la qabtayna la diley, waxna baxsadeen, ayaa halkaasi ay ka dhalatay jabhaddii loo yaqaannay SSDF (Somali Salvation Democratic Front – Jabhadda Badbaadinta Dimuqraadiyadda Soomaaliyeed). Waxaa u badnaa jabhaddan oo caqli iyo cudud ba u ahaa Majeerteenka, waxoogaa dhaan-raac Isaaq iyo Hawiye u badanna waa ku jireen, ma se badnayn. Jabhaddaas qabiileysan darteed, waa kii Kacaanku falal arxandarro ah ka geystay deegaannada Mudug iyo Nugaal inta u dhexaysa; oo dil, kufsi, barakicin iyo baabi’in ba leh, taas oo ahayd dhaqan uu Kacaankii askartu lahaa in jabhadda iyo qabiilka la isku sidko, taa liidigeedana, jabhaduhu iyaga ayaa ba qabiillo dabada ku hayay oo jabhad ‘Soomaali’ sheeganaysa ayay ahayd, se hoosta hal qabiil ka ah.

Ujeedku se waxa uu yahay, jabhadda SSDF ee Majeerteen iyo kursiga Maxamed Siyaad ee Marreexaan, dagaalkooda iyo is haysadkooda Daaroodeysan, waxa wiilka Isaaq dhexgeliyay maxay ahayd? Hawiye ma ba gelin, oo shaqo kuma lahayn, dantiisa ayuu raacday kolkii uu arkay waxa akhyaarta Daarood isku hayso in uu yahay kursiga Filla Soomaaliya. Waxa se la yaab leh, waxa Iiddoorka ku daray jabhaddii SSDF? Khaliif Sheekh Maxamuud oo foolaadkii suugaanta ee SSDF ka mid ahaa; oo sheegaya sida Isaaqa qaarkiis u kaalmeeyay, una manna sheeganahaya waxa uu yidhi:

–         Adigoo maruuryo iyo ciil wada madoobaaday

–         Adigoo martabadaad lahayd galab lagaa meershay

–         Oo milic cidlo’ ah taagan baan maandhow kaa naxaye

–         Masalliyo kuraas moolalaan maandhow kuu dhigaye

–         Waataan masuul kaaga dhigay mahurtadaadiiye

–         Ministeerka waa taan ka dhigay Habar Magaadlahaye

–         Maskab aadan lahaan jirin baan kuu mahboobiyaye

–         Dadka magaca weynliyo Hartaan kaala dhigay meele

–         Madaxaaga taajkaan ku xirey lagugu maamuusye

–         Habaryoonis mahad noo noqdoo nala mac weeyaane

–         Nooga ma maqnaan Ciidangale maayad dirireede

–         Maarraha raggii ridi jiriyo Arab na muuneeye

–         Sacad Muusihii miigganaa soo maxaafsada e

–         Mustafe iyo raggiisaannu nahay kala ma maarmaane

–         Muuse Carre sidii roob mir da’ay maayad soo kiciye

Sida Khaliif ku doodayo Majeerteenku waxa ay masuul ka ahaayeen in Isaaq oo meel cidla’ ah fadhiya in ministeer (Raiisalwasaare) laga dhigo, oo dadka la la simo. Kolkaa, waa in aad hadda jabhadda soo gashaan oo aad abaalkii iska guddaan, buu yidhi Khaliif. Isaaqii badnaa ee lagu shiday dabka labada tol u dhexeeya, se ka la huwan magaca SSDF iyo magaca Soomaaliya, maxaa ay ka faa’iideen maanta? Wadaaddo u badnaa kuwo ku xidhan Carabta oo diiddanaa hantiwadaagga, dhaqaale na ka helaya Carabta iyo siyaasiyiin is urursaday oo SSDF ka soo dab qaatay baa aasaasay jabhaddii SNM sannadkii 1981. Haddii aynnu dhahno dulmi iyo tacaddi baa jirey 1981 ka hor, waa been cad oo taariikhda iyo sooyaalka laga gelayo. Bal suureyso, Isaaqii oo jabhad uusan doonayn lagu kiciyay 1981 iyo guubaabo qabiil, oo Majeerteenkiina uu 1984 la heshiiyay Maxamed Siyaad, odaygii Cabdullaahi Yuusuf na xabsi Atoobbiya ku yaal la dhigay, Isaaq muxuu ka fekerayay maalintaa? Ma dulmi baa ay SSDF ka dagaallantay? Ma caddaalad darro ayay ka dagaallantay SSDF? Caddaaladdii iyo dulmigii waxa beddelay 1984 kolkii labada dhinac ay heshiiyeen, oo Afweyne gorgortan siyaasadeed oggolaaday. Dhaqaale badan u furey Majeerteenkii, xilal iyo mansab ku taxay, isla Isaaqii uu u adeegsaday gumaadka Majeerteenka ee 1978 ayaa uu saraakiishii Majeerteenna u soo wareejiyay Waqooyi, si Isaaqa looga aarguto oo loo cabudhiyo, loona laayo. Ciyaarta meesha ka dhacday, waa sidii jiirka inta qab loo dhigo, loo saaro tamaandho/yaanyo ama basal si kolka uu is yidhaa u cun, ay qabtu u xidho.

Isaaqa jabhadda sameystay 1981 ee la diriray Maxamed Siyaad, horteed xilligaa ma wax u gaar ah oo Soomaalidii Jamhuuriyadda kaga duwanaayeen baa jirta? Afweyne xukunkiisu, Muqdisho, Kismaayo, Dhuusamarreeb iyo Hargeysa, isku mid buu uga shaqeynayay. Isaaqna dadka waa la sinnaa, oo wax buu la qabey. Ma caddaalad iyo sinnaan u gaar ah buu raadinayay; oo aanay Soomaalida kale doonayn. Caddaalad-darrada iyo tacaddiyada laga dhiidhin waayay 1969, 1970, 1971, 1972, 1973, 1974, 1975, 1976, 1977, ee laga dhiidhiyay jabhadda Majeerteen ka dib ee 1978, maxay ahaayeen? Iiddoor jabhad sameysay oo dagaal ka dhan Afweyne ku baaq, muxuu se ka faa’iiday? Dhaqaale wixii uu lahaa, haldoor iyo labeen wixii uu lahaa, magaalooyin wixii uu lahaa, dad iyo maati wixii uu lahaa, bilcaan iyo gashaanti wixii uu lahaa; ciidankii iyo hubkii qaranka Soomaaliya ayaa loo adeegsaday oo lagu baabiiyay! Mahadho iyo sooyaal xun oo aan weligii Isaaq ka go’aynna waa loo yeelay, oo ilaa hadda ay illaawi kari la’yihiin.

Khaliif Sheekh Maxamuud oo kol kale tilmaamaya waxa uu u dirirayo iyo waxa ay isku hayeen tolkii Marreexaan, waxa uu yidhi:

–         Adduunyadan maraabaysay oo, murugtayoo xiintay

–         Oo uu Marreexaan u kacay, waa masala weyne  

–         Gardarradaa mutuxan waa dagaal, waxan ka miisaaye.  

–         Maruuryoodayey xalay miyaan, miray calooshayda?

–         Muskii na laga soo galay miyaa, dhaxani mawlaysay?

–         Goortaan wax milicsaday miyaan, caro madoobaaday?

–         Midigtiyo bidixdii miyaa, midi ba meel aaddey?

–         Markabkaan ku tiirraa miyaa, meeshi laga qaadey?

–         Maxamuud Saleebaan miyaa, marada loo taagey?

–         Mililkiyo hurgumadii miyaa, uurka igu miirmay?

–         Sidii aar muhdi ahaa miyaan, micida soofeystay?

–         Ma inaan colaad maamuley, dani i moodsiisay?

–         Majeerteen Ilaah wuxuu ka dhigay, malab sidiisiiye?

–         Sidii miraha dhoocaan ka baxa, muudsay aadmiguye?

–         Nin waliba wuxuu mihindisaa, inu magawshaaye

–         Agoon maalki laga qaaday oo, meel kastaba jooga

–         Maraykaanta naagaha qaboo, madaxa loo saaray  

–         Oo mudanayaashii jeclaa, mooska laga yeeley

–         Dadku mowdka wasyka ogyahoo, Maalig baw qoraye

–         Meydkiyo raqdoodii miyaa, laga dul maansooday?

–         Sidii wax aan Muslim ahayn miyaa, muxubbo loo laayey?

–         Madfaciyo rasaastii miyaa, meel kastaba gaaray?

–         Kulli miraha Daarood miyaa, keen isugu miirmay?

–         Ma kuwaan Hartiga moodayaa, soo mashxaradaayay?

–         Maangaab Dhulbahanta ah miyaa, nagu maraabeeyey?

–         Margaguufyadii hore miyaa, muruqa noo tuujey?

–         Muhanniga Ogaadeen miyow, mabay xumaanteenna?

–         Warsangeliga maahee dadkii, mayna wada meershey?

–         Inkastay bahnimo muujiyeen, sooma mayl bixine

–         Malkadaan ka sugayiyo ma iman, mowshinkaan rabaye!

Waqooyi, ama carra Isaaq oo aan qashar ka dhicin, waxa Iiddoor dhexgeliyay jabhaddii SSDF iyo dagaalka Ina Siyaad sow wax la la yaabo ma aha? Iiddoor se muxuu u diriri, ma mansab? Ma maal? Majeerteen, garaadkiisu ayaa uu adeegsaday, iskuma qaadin Afweyne iyo taliskiisii macangagga ahaa, ciyaartana waa fahmay oo kor buu uga baxay. Wadaxaajood hoose oo lagu xaalmariyay, lagu abaaliyay, lagu raalligeliyay ayaa la siiyay. Ka bogsay oo danihiisa ka raacay, ilaa taliskii dumey 1991. Isaaq se, inta uu is baabiiyay, ayaa uu waddankiina baabiiyay? Doc kale aan ka fiirinnee, Isaaq kolkuu jabhadda ku dhawaaqay ee uu Atoobbiya fadhiisimaha ka dhigtay, waa 1981, 1982, 1983, 1984 (sannadkii ay heshiiyeen Maxamed Siyaad iyo SSDF), 1985, 1986, 1987 (kulankii gogolxaadhka ahaa ee Siyaad iyo Mingiste), 1988 (Abriil/Maarij: kulankii labaad ee heshiiska lagu kala saxeexday Mingiste iyo Siyaad), 1988 (May: Gudagalkii SNM ee Burco iyo Hargeysa).

Muddo saddex sannadood ah oo jabhaddu dhisnayd, dhaqdhaqaaqna lahayd waxa sannadkii afraad ku dul heshiiyay SSDF iyo Siyaad, Isaaqii SNM wax ku ma qaadan siyaasadda iyo ciyaarta socota, haddana laba sannadood iyo dheeraad ka dib 1987 kulan gogolxaadh ah ayay yeesheen Siyaad iyo Mingiste, haddana sannad ka dib 1988 ayay heshiis SNM loogu soo gacangelinayo Afweyne iyo Mingiste ay kala saxeexdeen. Intaas oo dhan Iiddoor indhihiisu waa soo jeedeen, waxa hareerihiisa iyo hortiisa ka dhacayana waa daawanayay. Illaa uu si mintidnimo ah isku gu soo tuuray magaalooyinkiisii, oo labada dhinacba laga burburiyay, iyada oo aan la isu aabbayeelin.

Khaliif Sheekh Maxamuud oo kol kale tilmaamaya waxa Daaroodka is haysta isu yahay, ee aannu Isaaqu ku hodmin cad iyo kurus kala boobkooda, wuxuu yidhi:

–         Daaroodkan mowlka ah intaad mid uun ku biirayso

–         Nacasyahow maqiiqani maxaa adiga kuu meel ah?

–         Markii laba libaax hilib dhexmaro waa ku murantaa

–         Cad macaanka iyo kuruska waa la isku maagaaye

–         Misna waxay heshiiyaan markuu dhidir u muuqdaaye

–         Majeerteen iyo Siyaad waxay yihiin waad iska moogtahaye

–         Mabda’a siyaasadda xun iyo maamulkaan nacaye

–         Waa mirihii Aw Jabartiyo miidha Haashim ahe

–         Inkastaad is maahuuurisoo muruq ku taageerto

–         Oo aynaan tolnimo waa margiye meel u wada joogin

–         Oo muxubo noo kala dhammaan waa wax kaa maqane

Intaa waxa raaca, jabhadda SNM ee Isaaq waxa ay fadhiisimo dhawr ah ku lahayd Koonfurta deegaannada xiga, oo Dirka Koonfureed uu kaalmeyn jirey, SNM inta ay iyadu Muqdisho jabhadaha qabsanaya ka qeyb noqon lahayd, waxa ay ka doorbidday in 1989 dhammaadkiisii ay dhisto oo abaabusho jabhad USC la yidhaa oo Hawiye sal u yahay oo Afweyne ka saarta Fillada, haye saartaye maxaa xigay?! Nothing!

Isaaq, jabhaddii USC ee uu nabnabay ee uu Caydiidna ka soo kiciyay Hindiya, hubkana uu uga daweriyay Mingiste, kolkii ay Muqdisho ka saartay Afweyne, waa ay xukumi kari wayday, xataa waxba waa ay isku waafaqi waayeen! Waa jabhaddii sannad ka hor Addis Ababa la ga soo yabyabay. Intii SNM waddanka Soomaaliya wada qabsan lahayd, kol haddii ay talo xumaatay intii hore, ma dabaqabane, saddex magaalo oo is eegaya in ay Iiddoor maamul uga dhisto ayay ka doorbidday. Dhulbahante iyo Warsangeli oo dad u xiga, Isaaq, war cad waa ula iman waayay tolkaas. 1991, kolkii Cali Mahdi loo doortay madaxweyne ay Beesha Caalamku aqoonsantahay, Isaaq inta uu afka abuuray oo duday, ayaa uu wax na la qeybsan kari waayay Xamarta Afweyne ka baxay ee Caydiid iyo Cali isku haystaan! Caydiid oo ay iyagu qoriga u dhiibeen 1989, iyo Cali Mahdi oo Afweyne debadii xiniinyo yeeshay. Yay eersan doonaan Isaaqu? Dee nafahooda iyo caaddifadooda!

Islaa Khaliif oo suureynaya xaaladda Hawiye ku sugnaa, kolkii SSDF la bilaabay wuxuu yiri:

–         Hawiye meeluu joogaba dagaal, wayska maanacaye

–         Maankaba ka jare ragannimaad, meel ka soo geliye  

–         Maarraha Siyaad baa ka dhigay, maato caano lehe

–         Abgaal oo mihigaan ka badan, jaraha loo miiqye  

–         Mudanihii Gabayruu ka dilay, oo mar soo baxaye  

–         Waxay talo ku moosteen inay, moxogga diirtaane

–         Habargidirta Mudug joogta ee, maashu wada fooxday  

–         Ee layska maamulanahayoo, deyrka lagu meershey  

–         Ee sida halaha maydabta ah, layska maalaayo

–         Iyaba mahadho iyo way qabaan, ceeb muggooda ahe

–         Murursadiyo Cayr iyo haddii, Sacad la miinaystay  

–         Marna ineeysan “Maya” oran karayn, kama malaynayne

 

Isku soo wada xooriyoo, Soomaalidii xilligaas Afweyne mucaaradday, Isaaq ahaayaa, Majeerteen ahaayaa, Hawiye ahaayaa, looma diidin Ina Siyaad diktaatooriyad iyo dulmi, ee waxa loo diiday Marreexaanka taliyay, iyo halka qabiilladii kale ay siyaasadda ka soo geli doonaan. Siyaasad-qabiileedka Soomaalida, dimquraadiyaddu, caddaaladdu, iyo wax wada lahaanshuhu waa inta ay danahaaga wadaan, maalinta se ay cid kale danaheeda wadaan, adiga nafsad ahaantaada dani kugu ma jirto! Caddaalad, sinnaan iyo wax wadalahaansho, miyaa ka jirtaa maamulka Isaaq dhistay 1991? Ma Hawiye ayay ka dhex jirtaa? Ma Majeerteen iyo Buntilaan ayay ka dhex jirtaa? Xaasha’. Daahirooyinkii xilligii Siyaad yaallay carriga Soomaalida, maanta na iyagii oo magac iyo muuq kale sita ayay weli ka jiraan, se Soomaali baan wax isku gu jirin oo tooshka la isku ma hayo. Majeerteen, caddaalad-darrada taalla Isaaq dhexdiisa iyo dibaddiisa, dani kama gelin, sababta oo ah wax isugu ma jiraan, haddii se ay isku maamul yihiin, waa hubaal in kal hore ba ay toosh isku ifintu bilaaban lahayd?

Soomaali, haddeerto, Afweyne iyo kelitalisnimadiisii dabadeed, waxa ay moodayaan in la doogay oo la noolaaday, laakiin keli ah hal arrin baa is beddeshay oo ah in wax iskugu jiraan. Xilligii Siyaad, Soomaali wax baa isku gu jiray, waana sababta buuq iyo xasaradda keentay. Hadda se, waxa loo kala nafisay waa in reer walba uu gaar u baxay oo meel iyo martabad aan cidna la wadaagin uu yabyabtay. Xaqiiq ahaan se, bulshadeennu weli cudurradii waa hayaan; caddaalad-darro ahaatayaa, kelitalisnimo ahaatayaa, dimuqraadiyadxumo ahaatayaa, iyo boqollaal cudur oo aynnu qarsanno. Laakiin, indha la’aantu qabyaaladdu aysan doonayn in la soo bandhigo oo ay dibadda u soo shaac baxaan.

Hor Alle, talo waayeel waxa ay tahay hubsiimo. Inta garaadka laga horreysiinayo caaddifadda iyo dareemadeenna, waa mar kasta oo xalku uu sii fogaado uun. Sida Iiddoor ugu talo xumaaday jabhadihii iyo ku dhex jirka mar ba Daarood kurus kala boobaya, ayaa qabiil walba na qabiil kale ugu aafeysan yahay. Soddon sannadood ka hor qorigii inna dhexyaallay ayuun baa maantana inna dhex yaalla. Kelitalsinimadii la lahaa waa burburtay, ayuun baa maanta jaad kale innoo dhex taal. Reer na maanta ma doogin, sidii qof wal iyo qabiil wal ba rejaynayay na xaalku waa noqon waayay. Abuur iyo waano, abuur baa horreysee, ninkii aan talin jirin, yaan lagu soo luggoyn siyaasadda iyo xaaladaha qadhaadh ee waddanka ka jira. Marar badan, is-xukunka iyo hoggaamintu waa u dhalasho, aragtida tidhaa ayaa xoogganaanaysa, kolka aad u fiirfiirsato waaqiceenna iyo waayaha innagu xeeran. Kala adkaanshuhu na waa u muhim dawladnimada, cid aan kala adkaanna hal meel uma wada tukan karto. Waxa dunida dawlad ka jirta, waa fara ku tiris inta heshiis bulsho ku wada joogta, waa in waayuhu u run sheegeen oo oggolaatay waaqica, iyo in qasab iyo xoog lagu oggoleysiiyay.

WQ: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”